New York Times Oo Kashiftay In Dhaxal Sugaha Sucuudigu Iibsaday Guriga ugu qaalisan adduunka!!!!

Wargeyska New York Times ayaa werisay in amiirka Dhaxalka Sucuudiga leh ee Maxamed Binu Salmaan uu iibsaday guriga ugu qaalisan adduunka waana Qasriga Louis XIV Palace oo u dhow Versailles ee Faransiiska.

Gurigan ayuu ku iibsaday Amiirku lacag dhan 300 million oo Dollar Sanadii 2015.

Iibsashada gurigani waa mid ka mid ah Dhawr wax oo uu iibsaday Prince Mohammed bin Salman, oo ay ka mid tahay iibsashada $500 milyan oo doolar Yacht iyo sidoo kale isaga oo siistay Sawirka Leonardo da Vinci $ 450 milyan.

Wargeyska ayaa tilmaamaysa kala duwanaansho is burinta u dhaxeeysa waxa uu samaynayo Amiir Mohammed bin Salman kuna sheegayo ololaha Sacuudi Carabiya ee ka dhanka ah musuqmaasuqa kana soo horjeeda hoggaamiyeyaasha Sucuudiga iyo falka uu samaynayo ee ee uu wax ka iibsanayo dibadda.

“Dhaxal Sugaha Sucuudiga Maxamed Salman wuxuu isku dayaya inuu isu sawirayo inuu nadiif ka yahay musuqmaasuq, laakiin arrintani waxay dhirbaaxo culus ku tahay muuqaalka uu isku dayay inuu sameysto,” ayaa wargaysku ka soo xigtay falanqeeye hore oo ka tirsanaa CIA.

Sida laga soo xigtay wargeyska, waxaa la isku dayey in la qariyo milkiilaha Qasriga iyada oo loo marayo shirkado khiyaali ah oo Faransiis iyo Luxembourg ah.

Wargeysku wuxuu intaa ku daray in la-taliyeyaal xubno qoyska Boqortooyada Sucuudiga ay sheegeen in Qasriga mulkiyadiisu u noqonayso Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso