Ka dib markii la Xaday 15 kun oo baytari Shirkadda Telefoonada Masar oo Dib u dhigay Sii Deynta telefoonka cusub ee Masar ay Samaysay ee SICO suuqyada!

Madax Shirkada “SICO” ee telefoonnada gacanta Masar Maxamed Salem ayaa ku dhawaaqay dib u dhaca Telefoonada gacanta Ay Masar Samaysay inay galaan suuqayada illaa bilowga sanadka soo socda halkii ay ahayd inuu soo galo bishan December.

Salem ayaa sheegay in sababta keentay dib u dhaca telefoonkan suuqa ay tahay ka dib markii la xaday 15 kun oo batteriyaal ah oo loogu talagalay gelitaanka ugu horreeya ee suuqa, dhacdadan ayaa dhacay markii laga soo saarayay dekedda Dimyaada ka hor inta uusan soo gaadhin warshadda Assyuud.

“Ciidamada booliska iyo xeer-ilaalinta waxay isku dayayaan inay ku dadaalaan sidii loo ogaan lahaa tuhmanayaasha tuugada baytariyadan iyo in la arko haddii dhacdadu ay tahay ficil fursad ama shil,” ayuu yidhi.

Wadar ahaan 20,000 oo telefoon ayaa la filayay in la bilaabo bishan, laakiin qorshaha ayaa dib loo dhigay laba ama saddex toddobaad.

Masar ayaa soo saartay taleefanka gacanta ee ugu horeeyay ayna ku samaysay dhulkeeda, waxaana wasiirka isgaadhsiinta Yasser Al-Qadi u hadiyeeye madaxweynaha Masar Cabdul Fattah Al-Sisi moobaylkii ugu horreeyay ee ahaa “Made in Egypt” intii lagu jiray Shirkii Caalamiga ahaa ee Isgaadhsiinta iyo technology-da ee ka qabsoomay saddexdeeda bishan Qaahira .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso