Ciyaar Dhuumalaysi oo isu Bedeshay Mushkilad Qaadatay Xalinteedu Saddex Saacadood!!!

Ciyaar xiiso leh oo u dhaxeeysay laba walaalo ah oo Jarmalka ah ayaa isubedeshay cabsi ka dib markii mid ka mid ah ay isku xidhay Khasnadi saacado si loo helo “qarsoodinimo buuxda.”

Carruurtu waxay ku ciyaarayeen meel ay ku dhuuntaan oo ay ka raadsadaan guriga awoowe ee magaalada Berlin wiilka 9-jirka ah ayaa go’aansaday inuu ku dhuunto meel ammaan ah, laakiin wuxuu ku dhex jiraa kuna xanibmay gudaha khasnada.

Nambarka sirta ama qarsoodiga ah ee lagu furo waxa haya oo kaliya Awoowgood mana uu joogin Guriga taas oo ay keentay in uu qoysku la xidhiidho Adeega Gurmadka degdega ah.

Waxay Qaadatay seddex saacadood intii ay socotay samatabbixintu,samatabbixiyayaashu waxay geliyeen tuubo si uu uga helo oksijiin dalool yar oo ammaan ah oo ay ka fureen khasnada.

Kadib dhowr isku day samatabbixiyeyaashu waxay ku guuleysteen inay aqoonsadaan nambarka qarsoodiga ama sirta ah ee khasnada ka dib isku dayo taariikhda dhalashada qoyska.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso