Maduro: Go’aanka Trump ee ku saabsan Qudus-Ta La haysto wuxuu halis galineya Bariga Dhexe!!!

Madaxwaynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in go`aanka aqalka aqalka cad ee loogu aqoonsanayo Qudus ta la haysto caasimadda Israel inay wax yeelayso xasilloonida Bariga Dhexe waxayna waxyeeleysaa dadka Falastiiniyiinta ah.

“Venezuela waxa ay kor u qaadeysaa codkeeda, gaar ahaan magaca Non-Aligned Movement, waxaan ugu baaqeynaa dadaalada lagama maarmaanka u ah in ay ku laabtaan waddada ixtiraamka sharciga iyo heshiisyada caalamiga ah ee ilaaliya dadka Falastiiniyiinta” ayuu ku yidhi Maduro Bartiisa “Instagram”.

Maduro ayaa ka qayb-galay shir-degdeg ah ee ka dhacay Istanbul ee ayna isugu yimaadeen Ururka Shirka Islaamka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso