Erdogan Oo ku Xidhay Qudus-ta Barakaysan Magaalooyinka Kale ee Barakaysan ee Maka iyo Madiina Al Munawara.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka digay in la lumiyo Qudus waxaanu ku xidhay Maka iyo Madiina.

“Haddii aan lumino Qudus ma awoodi doonno inaan difaacno Madiina Al Munawara, haddii aan lumino Madiina, ma awoodi doonno inaan ilaalino Maka, haddii Meka ay dhacdo, waxaan lumin doonaa Kacbada,” Erdogan ayaa hadal uu ka jeediyay fiidnimadii jimcaha barnaamijka dhaqanka ee Istanbul ka yidhi sidaa.

Erdogan ayaa intaa ku daray in weeraro cusub ay bilaabmeen oo bar-tilmaameedkoodu yahay Bariga Dhexe iyo Muslimiinta oo dhan iyada oo loo marayo Qudus, ka dib aqoonsiga Maraykanka ee Qudus ee caasimadda Israa’iil.

Recep Tayyip Erdogan ayaa tilmaamay in Qudus ay tahay sharafta Muslimiinta adduunka oo dhan, isaga oo ku adkeynaya in uu samayn doono wax kasta oo lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo waxa Ilaah ku amray iyo sharafa awoowayaasha.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso