Qarax ka Dhacay Muqdisho Oo 17 Boolis Somaliyeed Ay Ku Dhinteen.

Hargeysa(Toggaherer)-Qarax ka Dhacay Muqdisho Oo 17 Boolis Somaliyeed Ay Ku Dhinteen.

Inta la og yahay illaa 17 askar boolis ah ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, sida uu bartiisa Facebook ku qoray wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Yusuf Garaad.

Sawir hore

Sidoo kale wuxuu wasiirka sheegay in 17 kale ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah oo lala eegtay xero booliska ay ku tababartaan.

Qaraxa wuxuu dhacay xilli ay ciidamada booliska ee dugsiga tababarada Ganaraal Kaahiye ku sameynayeen tababarro.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka isqarxinta ah ee dhimashada badan sababay.

Sida ay qortay wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA, qasaaraha ayaa intaas ka badan karo.

Wararka qaar waxay sheegayaan in ciidammad ay isu diyaarinayeen xuska maalinta booliska Soomaaliya oo ku beegan 20-ka bishan Desembar.

Wixii ka dambeeyay qarixii isgoyska Soobe oo ay ku dhinteen boqollaal qof, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerarro kale oo sababay dhimasho badan iyo dhaawac.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr goor ballan qaaday in ay si degdeg ah uga jawaabayaan weerarada kooxda Al-Shabaab. Balse weerarada ayaa halkooda ka sii socdo ayadoo ciidamada AMISOM ay isu diyaarinayaan in ay Soomaaliya ka baxaan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso