Waxaan sahmin ku sameynay Afartan (40) Qodob oo ka mid ah Waxqabadkii uga Waaweynaa ee ay ku guulaysatay dowladdii uu Hogaaminaayey Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. (Hoos Ka Akhri) . 


Waxaan sahmin ku sameynay Afartan (40) Qodob oo ka mid ah Waxqabadkii uga Waaweynaa ee ay ku guulaysatay dowladdii uu Hogaaminaayey Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. (Hoos Ka Akhri) . 

Xukuumaddii uu gadhwadeenka ka ahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Isla-markaana jirtay Todoba sano iyo badh , waxaa u qabsoomay arrimo waaweyn oo xukuumadihii ka horeeyay ugu qabsoomi waayey sanooyin iyo wax ka badanba . taasi oo Bulshadda Somaliland si weyn u soo jiitay Wax-qabadka aad u badan ee  xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Xilka iminka ka degaysa u qabsoomay mudadii ay jirtay. 

Taasi oo balanqaadkeedii hore 95 % ay u hirgaleen waxyaabihii Madaxweyne Axmed Siilaanyo sheegtay inuu wax ka qabanaayo, gaar ahaana dhinacyada Nabadgelyada, Bixinta Mushaharooyinka.waxbarashada, arimaha bulshadda . Xidhiidhka Arimaha debadda iyo kordhinta dhaqaalaha Somaliland iwm.

Hadaba bal aynu soo qaadano Afartan (40) Qodob oo ka mid ah Wax-qabadka uga Waa-weyn ee ay ku guulaysatay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee wakhtigu ka dhamaaday.Taasi oo cadeynaysa inay xukuumadu wax badan qabatay waxaana ugu muhiimsan oo la xusi karaa

1. Xukuumaddii Siilaanyo ayaa la wareegtay Qasnaddo madhan iyo dayn aan xad lahayn oo ay ka tagtay xukuumaddii ka horeysay, Lakiin waxay  beerka u dhigatay inay ka talaabsato caqabadihii ay xafiiska ugu yimaadeen intoodii badnaa siiba Bixinta deymankaasi cuslaa ee ay la wareegnay , taasi oo gaadhaysay lacag u dhiganta Laba iyo labaatan $22 Milyan oo Dollar.

2. Dowladu waxay ku guulaysatay markiiba inay bixiso mushahaarkii ciidanka iyo shaqaalaha dowlada si joogto ah u shaqeynayey.iyaddoo u kordhisay 200%.

3. Iyaddoo dhaqaalaha dalku tagnaa heerka dhaqaale oo 40 milyan mudo dhan 8 Sanadood marka aynu u eegano Xukuumaddii hore . Waxay ku guuleysatay xukuumadda Siilaanyo kor u-qaadida Miisaanayada sanadeedka Qaranka iyo Kobcinta dhaqaalaha wadanka oo aad kor ugu kacday heer-sarena maraysa maanta taasi oo noqotay inay sagaal jeer laba-laabmo dhaqalaha dalka oo ay ka dhigtay in sanad waliba heerka dhaqaaluhu kor u kaco oo u gaadho $ 363 Milyan

4. Brige-ka labaad ee Hargaysa oo 5 sanno qabyo ahaa oo xukumadii hore ay bilowday ayaa lagu dhamaystiray 100 maalmood ee ugu horeeyay ee talada ay xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ay qabatay.

5. Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ayaa Waxbarashada Dugsiyada Hoose/dhexe iyo Sare  bilaashka ka dhigtay.  Taasi oo kor u qaaday in tirada caruurta wax-barataa ee hore u tahli waayday,  inay daboolaan lacagta waxbarashada ,  ka faaideystaan.

6. Waxay ku guulaystay Joojinta lacagihii Giinbaarta ahayd iyo inay lacagtaasi Giinbaarta ahayd ka badesho Gobolka Togdheer iyo meelo ka mid ah Goboladda Bariga JSL.taasi oo keentay isticmaalka Shilinka Somaliland Dalka oo dhan.

7. Xukuumaddu waxa ay ka shaqaysay tayeynta jamacadaha . taasi oo keentay sida laxaadka leh ee ay u dheeri-galisay dhamaan muwaadinta ku dhaqan goboladda kala duwan ama gayigeena Somaliland.

8. Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa meesha ka saartay  fikirkii hore ee caalamka ka jiray ee Arrimaha Somaliland Iyo Somaliya si keliya u wada arkaayay, taasi oo ahayd talaabooyin dublamaasiyadeed ee ay xukumadda Siilaanyo hore u  qaaday  kuna abuurtay in caawimada ay bixiyaan qaar ka mid  ah wadamadda deeq bixiyayaashu si toos ah loo siiyo Somaliland.

9. Waxa ay guuleysatey Xukuumadda Axmed Siilaanyo Abuurista Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund) oo ay bixiyaan  UK. Holland iyo Denmark. kaasi oo ay ujeedadiisu tahay Kor u qaaddida adeegyada Bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale (Sida : Waddooyinka, Madaarrada, Dekedaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo Iwm).

10. Waxaa la sameeyey Diyaarinta Qorshe Qaran (National Plan), kaasi oo koobaaya Baahiyaha Horumarka Gobolladda dalka, si loogu qeybiyo Mashaariicda iyo Maalgelinta Qaab xaq soor leh.

11. Waxaa lagu guuleystay Tv-ga Qaranka in : Awoodiisa war-baahineed la gaadhsiiyay dhamaanba Caalamka, Iyaddoo Studio-yaal iyo hawlwadeenadii ka hawlgali ahaa oo dhan loo sameeyey.

12. Dhamaan Dhismayaasha . Guryaha Dawlada iyo Goobaha kale ee Qaranka JSL looga Arimiyo sida Wasaaradaha iyo Hayadadda kale Dowliga ah oo dhan . Waxaa laga hirgaliyay Dhismayaal Casri ah oo qalabeysan Iyo agabkii lagaga Shaqeyn-lahaa Xafiisyadaa oo casriya.

13. Waxaa lagu guuleystay Idaacada qaranka ee Radio Hargaysa oo dalka iyo dibadaba si weyn looga dhageysto, taasi oo xukumadani sanadkii koowaad ee ay xilka qabatay soo iibisay. Taasi oo ka qayb qaadatay Balaadhinta iyo Baahinta Idaacadda Qaranka Radio Hargeysa ayaa la gaadh-siiyay halkii ugu saraysay abid oo ah dhamaanba Dalka oo dhan iyo Wadamada jaarka ah oo iyagana laga dhageysto taasoo arin aad u muhiima iyo guul u soo hoyatay Shacabka Somaliland.

14. Waxaa lagu guuleystay Idaacad Cusub Ee Quraanka kariimka  ah. taaso oo Radio Hargeysa laga furay ,waxaana loogu talo- galay in laga dhageysto Quraanka kariimka ah iyo Barashadiisaba iyada oo dhamaana laga Hirgeliyay FM’yada Goboladda dalka S/land oo dhan Sida Goboladda: Togdheer, Awdal, Saaxil, Sool, Maroodijeex, Sanaag. arintani oo dadka Somaliland  ay aad ugu diirsadeen.

15. Waxaa lagu guuleystay in labadda madaar ee  Hargeysa iyo Berbera, laga sameeyo Garoomo aan waxba ka dhicin kuwa caalamiga ah, kuwaasi oo naftu dareemayso xaga kalsoonida marka aad aragto qiimaha Qalabka iyo sida Amniga loo sugaayo. iyaddoo laga dhigay Dhismayaal aad u waaweyn oo casriya sida kuwa Caalamka oo kale. kuna xidhanyihiin Qalabka dhanka Amniga (CCTV Security Cameras)  iyo  baadhitaanka lagala soconaayo dhamaanba dhaq-dhaqaaqyada dadka Garoonka soo galayaa iyo kuwa ka baxaaya gedigoodba.

16. Xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaa ku guuleysatay Bixinta Darajooyinka Ciidamada Qaranka JSL iyo weliba Biladaha Geesiniimo ee ay Mutaystaan . marka hawlaha dhinaca shaqadda iyo xaaladaha kale ee Ciidan – niimo khuseeya iyo waliba sida ay u kala Sareeyaanba, waxaana loo sameeyay Darajooyin  iyo jaran-jaro ay u kala Sareeyaan sida lagu aqoonsado Astaantoodda ciidanimo.

17. Mashruuca Balaadhinta  iyo Biyo galinta Caasimadda Hargeysa , ayaa hada waxa u marayaa heer geba.gabo ku dhow. iyadoo hawlaha ugu muhiimsan ee la qabtayna ay tahay Dhismaha kayd-biyood( reservoiurs), 12km ayaa la qoday tuubooyinkiina la geliyay, waxaa kaloo dhamaaday dhismaha Guryaha Pumpka iyo Matoorada. 

18. Waxaa la dhamaystiray qodida qaar ka midda ceelasha dhaadheer ee Miyiga iyo Magalooyinka . iyadoo ay socdaan qorshaooddu iyo kuwa kale qodidooduba.

19. Dhismaha Wadadda Ceerigaabo . Taasi la yaab ahayd . sidii uu ugu dhiiraday Madaxweyne Siilaanyo  ugana badheedhay dhisimaha wadadaa dheer ee jidka ceerigaabo. Wadadaasi ceerigaabo oo dad badani u arkayeen mid riyo ah oo aan run noqonayn hadana waxaynu aragnay siduu uu dhaqaajiyay uguna dhabeeyay dhismiheedda oo dad badan ugula muuqday dhalanteed.

20. Xukuumadda Axmed Siilaanyo waxay gacan mug leh ka geysatey wadooyin badan oo ay ka mid yihiin Hargeysa-Berbera Jidka Oodweyne-Burco-Hargeysa Waddada Hargeysa-Sallaxlay-Ina Guuxaa Laamida Kalabaydh-Hargeysa Dawga Cad ee Woqooyiga Hargeysa Waddada Dila-Boorama ,wadadda wajaale.iwm.

21. Waxaa lagu guuleystay soo saaridda Lacagta shanta kun ee shilinka Somaliland iyo waliba kunka ee shilinka Somaliland oo cusub .mid si fudud loo qaadan karaayo dalkuna u baahnaa.

22. Xukuumaddu waxay ku guuleysatay helitaanka Biyo nadiif ah, iyadoo laga fa’iidaysanayso biyaha dhulka hoostiisa, Biyaha roobka iyo kuwa dooxooyinkaba. Hadaba waxaa markii ugu horaysay la hindisay ama la sameeyay in la helo Riigag Awood u leh Qodidda Ceelasha Gunta Dheer.  taasi markii ugu horaysay ay Xuukumad Somaliland ahi hawshaasi hirgeliso , siiba biyaha nadiifta ah in Miyiga la gaadhsiiyo, Nasiib wanaag waxaa lagu guuleeystay in la gaadhsiiyo magalooyin badan oo Somaliland.

23. Waxaa la dhisay 1 Dam oo aad u mug weyn lagana dhisay (Xunbo.weyne ) oo ka tirsan Caasimadda Hargeysa.

24. Xukumadu muddadii afarta sano ahayd ee ay xilka haysay  waxay shirkado maal-gashi oo waaweyn ay ku qancisay in dalkeenu uu yahay  goob amni oo la isku halayn  karro  taasi oo keentay in si rasmi ah  looga bilaabo  baadhitaanada  khayraadka dabiiga ah ee dalkeena ,  sida Betrol iyo macadano kala duwan. hawshaasina oo dalka uga socoto  si wanaagsan.

25. Waxaa laga Aqoonsaday Jamhuriyada Somaliland Boqortooyada UK, Siiba  Magaalooyin ka mid ah Gudaheeda Sida Magaalooyinka Sheifield, Bristol. Birmingham iyo Cardiff, iyaddoo Golayaasha deegaanka ee Magaalooyinkaasi ay  si Buuxda u aqoonsadeen Qadiyada Gooni isu-taaga Somaliland waana Magaalooyinkii ugu Horeeyey ama meeshii ugu Horaysay ee laga Aqoonsado Somaliland mudadii ay 26-ka sano ahaa ee Gaarka u ahayd Xoriyadeedana haysatay taana waxaa la odhan-karaa Hormuuudkeedu waa  Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

26. Waxay dowladii Ahmed Siilaanyo ku talaabsatay. wax la taaban karo xaga Arimaha dibadda. Siiba wada hadaladii aadka u soo jiitay muwaadinta reer somaliland ee ay la galeen Somaliya iyo ka dhaadhicinta ictiraaf raadinta Somaaliland Beesha calaamka iyo Maamulidda Hawadda Somaliland.

27. Xukuumadda Md , Silaanyo, waxay  hirgalisay  siyaasad qeexan oo ku dhisan in dacwadeenu ay gaadho  fagaarayaal caalami ah, iyadoo  mudadii todoba sano ahayd  ee aynu ka soo gudubnay Madaxwaynaha iyo wufuud heer sarre  oo qaranka matalayaa ay booqasho waaweyn ku tageen  wadamo badan oo caalamka ka mid ah  kuwaasi oo ay la yeesheen  kulamo kala duwan oo ku saabsan Qadiyada Reer Somaliland.

28. Madaxwayne Siilaanyo, waxaa uu la kulmay  Madaxwaynayaal, Raysal wasaarayaal Amiiro  iyo Boqoroba  waxaanay qiimayntaasi diblomasiyadeed ay ku timid  in fariinteena  ay gaadhay dowladahaasi iyo kor u-qaadista heerka diblomaasiyadeed ee JSL, oo ay xukumadda Siilaanyo u horseeday . isla-markaana ay fududeysay in Madaxwayne Siilaanyo hadal ka jeediyo  kulamo  Calaamiya.

29. Qabashada Doorashooyinii Golaha Deegaanka iyo tartankii Ururradda Siyaasadda Jamhuuriyada Somaliland oo wadanka ka qabsoontay,Sanadkii 2012 Taasi oo ay ku-soo Baxeen  Saddex Xisbi Qaran (Ucid. Kulmiye Iyo Waddani)  iyo Golaayaal deegaan oo cusub guud ahaanba Dalka oo dhan Doorashadaasi waxay ku  Qabsoontay si Nabad-gelyo ah.

30. Waxaa la furay xarumo caruurta agoonta iyo Derbi-jiifta oo badan siiba Magalooyinka waaweyn  ,iyaddoo ay ugu weynayd Xarun Hoy iyo goob waxbarasho u noqotay ilaa 717 ka mid ah Caruurta Agoonta ah ee Somaliland laga furay duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa. Waxaa maal-galisay Dawladda Kuwait. taasi oo uu xadhiga ka jaray Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo.

31. Waxaa la aasaasay Ciidanka damdamiska Qaranka Somaliland. xaruntiisuna tahay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, laamana ka furan yihiin  Gobollada dalka, kaas oo hoos imanaya Ciidanka Booliiska . looguna talo-galay inay goobaha dabku ka kaco ka hawlgalaan  iyo xakamaynta goobaha dabku ka kaco.

32. Xukuumadda Axmed Siilaanyo waxay hirgelisey Dugsiyo dadka indhoolayaasha iyo Dhegoolayaasha ah . sida dugsiga dhegoolayaasha oo laga furay Magaallo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ( School For The Deaf ) kaasi oo  Xadhiga ka Jaray Madxweyne Siilaanyo . qalab badan oo casriya ayaa la dhigay . isla-markaana ay ka faa,deysanayaan dadka dhegoolayaasha ah . sida computers wax u ka taraysa waxbarashadooda.

33. Xukuumadda ayaa hirgalisay Maxjaro laga dhoofiyo xoolaha nool. Daryeelka caafimaadka xoolaha dhoofaya , dhaqaale badana ka soo xaroonayo  iyo waliba dheerigalinta muwaadinta ay ka helaan shaqooyin badan. 

34. Dowladda Siilaanyo waxaa ay gashay heshiiyo caalami ah oo horumarineed ,sida  Heshiiskii Maalgashiga Dekedda Berbera ee DP World oo La Horgeeyay Baarlamaanka Somaliland . ka-dib markii heshiiskaas ay xukuumaddu la gashay shirkadda reer Emarat ee DP World.

35. Xukuumadda Siilaanyo ayaa Heshiis kale oo Saldhiga Berbera ku saabsan ayey Somaliland iyo  imaaraadka Carabta si rasmiya u kala saxeexdeen, kaasi oo ogolaanaya in Magaaladda Berbera ay imaraadku ka samaystaan saldhig milateri . Baarlamaanka Somaliland ayaa Ansixiyay Heshiiskaasi Saldhiga Milatary ee Berbera.

36. Madaxweyne Siilaanyo ayaa duleedka galbeed ee Berbera ka dhagax-dhigay Dhul lagu qiyaasay dhawr iyo toban KM oo laga dhisi doono Free Zone-ka dekada Berberi yeelan doonto oo wax weyn ka tari doona isticmaalka dekadda.

37. Waxaa la sameeyey seerayaal lagu xanaaneeyo xoolaha nool sida geela iyo lo,da taasoo dheeri-galisay muwaadiniinta reer Somaliland iyo inay ka helaan munaafacad aad u badan.  Ama Dhiirigelinta wax soo saarka, xoolaha nool, ganacsiga iyo ilaalinta deegaanka.

38. Dowladdii Md. siilaanyo xaga Nabeynta iyo dibu-heshiisinta wax-qabad baahsan ayey ka muujisay siiba Gobolada Bariga Somaliland . taasoo soo xeeragalisay kooxdii SSC iyo Khaatumo , Waliba keentay horumar badan Nabadaynta Beelaha wada daga Bariga iyo Mashariic aad u badan oo ay ka qabatay xaga Gobolada Bariga. Nabadaynta iyo maamul ku fidinta Gobollada Bari ee dalka.

39. Xukuumaddu waxay ku dhiiratay  nidaamka isku tashiga  . iyaddoo sameysay doorashaddii ugu danbeysay in ay bixiso 100% . ka-dib si looga maarmo gacanta shisheeye.

40. Waxay ku guuleysatay Xukuumadda Siilaanyo. Qabashada Doorashaddii ugu danbeysay ee Madaxtooyadda iyo tartankii  Axsaabta Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo wadanka ka qabsoontay 13-Nov 2017 . Taasoo uu kusoo Baxay Musharaxintii Xisbiga Kulmiye , Doorashadaasi oo ku  Qabsoontay si nabad gelyo ah.

Waxaa aan ku soo Geba-gabaynayaa; Runtii Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu umadda reer Somaliland tusay dhammaan Astaamaha Hogaamineed ee dalkeenu u baahan-yahay. 

Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu Alle “Ka Abaal-mariyo Waxqabadkiisii noqday” Madaxwayne Qaran  ay ka go,nayd inuu dalkiisa gaadhsiiyo Horumar dhinackasta leh.

Kuna sifoobay dal jacayl iyo in ay Waddinayadu Qalbigiisa degtay.

 Allah Mahad Leh.

Adan Yusuf Elmi

adanyusuf@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso