Markaan maqlo magaca Muse Biixi waxaa ig so dhaca nin dagaal ooge ah oo dhac iyo dhib u taagan. waxaase u fiirsadey mudadii yarayd

Markaan maqlo magaca Muse Biixi waxaa ig so dhaca nin dagaal ooge ah oo dhac iyo dhib u taagan.

waxaase u fiirsadey mudadii yarayd ee ka yarayd bisha ee uu ahaa madaxweynaha cusub, isagoon wali dawladisii magacaabin waxaa ii muuqda ifafaalo aan aad u jeclaystay, sida uu sirtiisa u xafiday ee aan loo ogayn waxa uu soo wado iyo sida uu u raali gelinayo cid walba oo uu la kulmo, 

Waxaan rumaysanahay in lagu colaadin jirey oo lagu xagxagan jirey raganimo iyo daacadnimo, waxanan qiyasayaa hada inuu noqon doono ninka wax ka bedeli doona wadankan sii dumaya ee musuqmasuqu hadheeyey, ee cadaalad daradu biyo dhigtay, ee qabyaladu cumamada u xidhatay,

Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu noqdo kii toosinlahaa ummadan ay jarka kala dhacday dawladii ugu dambaysay ee 7 sano xumanta u horsedaysay dadka iyo dalkaba.

dadka reer somaliland waa dad akhlaaq badan oo xishooda wana waxa dhibkaas oo dhan loogu geystay, hadii ay yihiin dad xisaabtama oo xaqooda usoo jeeda, maanta may yidhahdeen siilaayo wa geesi iyo wadanbuu hagajiyey ee xaqiiqdii maxkamad bay saari lahayeen, waayo qabyaladiisu waxay gaadhay inuu inankii inantisa qabey wadankii oo dhan faraha u geliyo , xaaskiisuna siday doonto ugu tagri fasho hantidii ummada, wasiiro aan dhicin oo ka awood badan wasiirada kale ayuu samaystay, wali dawlad ka xumi inama soo marin , waxaaba dhib ah sida uu Muse usoo celin doono kalsoonidii dadkan la kala dilay ee la is nacsiiyey ee lagu beeray qabyalada foosha xun…

waxaan kusoo gabagabaynayaa in loo samro loo caga dhigo si wanagsana loola shaqeeyo Muse insha allah , waayo waxaad ogaataa in halka aynu gaadhnay dad iyo dalba ay dheertay oo qaadanayso wakhti sida loo hagaajinayo

wabilahi tawfiiq

Mohamud Jama

London

Advertisement

Ku Xayeysiiso