Madaxweynaha La Doortay oo Kulan Salaan iyo Hambalyo ah La Yeeshay Madaxweynihii hore Somaliland 

Hargeysa(ToggaHerer)-Madaxweynaha cusub ee la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan salaan iyo hambalyo ah la qaatay madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Somaliland maanta, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii uu madaxweynaha hore Md. Daahir Rayaale madaxweynaha cusub ugu bogaadin lahaa guusha uu kasoo hooyey doorashooyinkii madaxtinimo ee dhawaan dalka Somaliland ka qabsoomay, isla markaana uu talooyin iyo tusaaleyaal lagu najaxi karo oo ku saabsana hawlaha horyaalla ula wadaagi lahaa, waxana ay labada dhinac wada qaateen waqti ay si hufan isugu hogo-tusaalaayeen.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa hambalyada guusha madaxweynaha cusub ka dib ku dhiirriyey inuu sii ambo-qaado dimuqraaddiyadda iyo horumarka ay Somaliland gaadhay, waxana uu ugu bushaareeyey inuu mar walba diyaar ula yahay wixii talooyin ah ee uu midho-dhal u arko, isla-markaana uu la wadaagi doono wixii khibrad iyo waayo-aragnimo ah ee uu dhaxlay muddadii uu dalka madaxweynaha ka ahaa.
Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxweynaha hore uga mahadceliyey booqashada iyo hambalyada uu ula yimi, waxana uu sheegay inuu kamid noqon doono dadka uu talooyinka uga martida noqon doono, isla markaana uu u baahan yahay khibraddiisa iyo waayo-aragnimadiisaba, si uu uga gudbo caqabadaha kala duwan ee soo wajaha muddada uu xukunka hayo.
Kulanka labada madaxweynaha hore iyo midka cusub, ayaa kusoo dhammaaday jawi farxadeed, waxana ay labada dhinac muujiyeen inay si kal furan uga wada shaqayn doonaan gebi ahaanba arrimaha ku saabsan horumarinta dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso