Duq Magaalo oo Magaaladeeda Ka Maamulaysay Aalada WhatsApp-ka oo Xabsi lagu Xukumay!!!!

Maxkamad ku taal Brazil ayaa ku xukuntay 14 sano oo xabsi ah Duq Magaalo oo Magaaladeeda ku Xukumaysay Aalada WhatsApp-ka iyada oo lagu eedeeyey musuqmaasuqa iyo xatooyada malaayiin Dollar oo ah miisaaniyadda waxbarashada.

Lydia Leite kiiskeedu waxa uu bilawday bishii Agoosto 2015 markii lagu eedeeyay in ay lumisay lacagaha dadweynaha iyada oo xaday lacagtii dugsiyada ee magaalada Boumer Gardem, waqooyi-galbeed ee dalka Brazil.

Duqa magaalada oo ah 27-sano jir ah ayaa lagu soo oogay dacwadan waxaana ay dacwadeeda qaadaysa maxakamadda maxaliga ah, Mayarkan ayaa Magaalada Waxay ka maamulaysay Aalada WhatsApp-ka si ay u maamusho magaalada iyada oo ku nool nolol raaxo leh Magaalada Sao Luis ee caasimadda Gobolka Maranhão oo ku dhowaad 180 mayl u jirta Magaalada ay Maamulaysay ee Bom Gardem.

Waxay dib u soo noqotay 39 maalmood oo ay baxsi ku jirtay si ay u waajahado dagaalka sharci ee ku socday mudada laba sano iyo badhka ah taas oo keentay in Leite lagu xukumo 14 sano iyo bil xabsi ah marka ay dhamaysatana waxaa ku xiga lix sano oo xabsi adag oo dibad joog ah markii lagu helay dambiga $ 6.14 milyan oo ka xaday sanduuqa waxbarashada.

Talafeeshinka TNH1 ayaa sheegay in Leite ay weli awood u leedahay inay durto go’aanka maxkamadda.

Isla mar ahaantaana duqa magaalada ayaa si farxad leh u noolaa, waxayna bilawday inay kula xidhiidho ku-xigeenkiisa iyo Masuuliyiinta magaalada iyada oo u maraysa Gole Whatsapp-ka ah uguna magac dartay “Task Force”.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso