Dawladdii Hoose Ee Hargeysi Waxay u Baahantahay Gurmad & Bad-baadin.


Dawladdii Hoose Ee Hargeysi Waxay u Baahantahay Gurmad & Bad-baadin.

“Qof Kastaa Dhaqada Loo Dhiibay Wuxuu Gaadhsiin Karaa Heerka Aqoontiisa”.

Xoghayeha fulinta dawladda hoose ee hargeysa wuxuu caqabad ku yahay:-
1. Shacabka.
Oo wuxuu kala direy shaqaalihii faya-dhawrka & daba-galka raashinka & daawooyinka dhacay.
2. Dawladda hoose lafteeda. 
Oo wuxuu ka xidhay ilihii dakhligu uga soo hoyan jirey oo ay kaw ka tahay ganaaxii ku dhici jirey ganacsatada iibisa raashinka & daawooyinka dhacay. 

Sideedaba marka laga hadlayo masuuliyiinta dawladda hoose ee dalka. Mashiinka shaqada dawladaha hoose ee dalka wareejiyaa waa xoghayaha fulinta. 

Hadaba Xoghayaha dawladda hoose ee hargeysa wuxu xidhay gabi ahaan-ba shaqadii dawladda hoose fulin jirtay iyadoo ay gabi ahaan-ba ay taagantahay mana jirto wax hawl ah Oo Ka socota dawladdii hoose ee hargeysa.
Taas Oo ay sabab u tahay:-
1. Aqoon darro ka haysa xoghayaha hawlaha dawladda hoose.
2. Isagoon uba diyaarsanayn inuu wax ka barto arimaha shaqo sida:☆. Dakhli loo soo xareeyo
           ☆. Faya-dhawrkii caasimadda Oo baaba”ay.
           ☆. La shaqaynta laamaha biyo kama dhibcaanka ah ee la”aantood shaqo soconayn.

Markaan dib u milicsado xiligii uu joogay xoghayihii hore Ee dawladda hoose mudane Mawliid Keyse Muxumed. Waxyaalihii uu ku guuleystay shacabkuna mahadiyay waxa ka mid ahaa.
Abuurista & hawgalinta shaqaalaha hayjiinta  dawladda hoose. Kuwaas Oo Ka shaqayn jirey kaantaroolidda & daba galka raashinka & daawooyinka dhacay ee ganacsatadu shacabka ka iibiyaan.
Sidaynu wada ognahayna maanta cududrada ugu badan ee dalka Ka jira waxa sababa raashinka & daawooyinka dhacay ee  ganacsatadu sida badheedhka ah ay shacabka uga iibiyaan.
Abuurista & ka shaqaysiinta shaqaalaha fayo-dhawrku wuxuu faa’iido u lahaa 
¤. Shacabka & 
¤. Dakhli ganaaxeed uga soo hoyan jirey dawladda hoose.

Hadaba maxaa dhacay?.
Waxa dhacay in ganacsatada waaweyn ee dalku ay weerar qaawan ku qaadaan oo bilaa xishooda xoghayihii hore ee dawladda hoose mudane Mawliid. Dagaalkaas Oo daarnaa maxaa loo qabanayaa raashinka & daawooyinka dhacay ee aanu shacabka ka gadayno. Iyagoo ugu denbeyntina ku guuleystay bedelaadda xoghayihii hore ee dawladda hoose mudane Mawliid Kayse. Isla markaana ka hawl-galay  Keenista xoghayaha iyaga danahooda u adeega kaas oo ah xoghayaha fulunta ee maanta jooga. Kana adeegayay shacabka & dawladda hoose ee uu xoghayaha ka yahay. Oo talaabadii u horeysay ee uu qaadaa ay noqotay fulinta doonistii ganacsatada dhiigyo cabka ah. Isla markaana  kala direy shaqaalihii hayjiinta ee daba galka raashinka & daawooyinka dhacay.
Iyadoo halkaana laba mushkiladood kaga kala furmeen :
1. Shacabka.
Oo ay dib ugu furantay mashaqadii raashinka & daawooyinka dhacay oo shacabkina mar labaad dabada loo qabtay &
2. Dawladdii hoose.
Oo iyana halkaa ku wayday dakhligii ganaaxa uga soo hoyan jirey markay shaqaaluhu soo qabtaan raashinka & daawooyinka dhacay halkaana ay ku muteysan jireen xadhig & ganaax lacageed.
Taas oo sababtay in maanta shaqaalihii dawladda hoose noqdaan bilaa mushahar bishii saddexaad Oo xidhiidha. Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye.

Markaan dib ugu noqdo xoghayihii hore ee dawladda hoose mudane Mawliid Keyse Muxumed.
Wuxuu ahaa xoghaye ka soo shaqeeyay sideeda degmo ee ay ka koobantahay caasimadda hargeysi. Isagoo garanayay 1. Shaqada uu ka shaqaynayo.
2. Isagoo garanayay dhamaan mujtamaca caasimadda hargeysa Oo guri guri u garanayay.
3. Isagoo garanayay meelaha + sababaha kordhin kara dakhliga dawladda hoose ee hargeysa.
4. Isagoo ay caado u ahayd inuu la majaaliso shaqaalaha & hawl-wadeenada laf dhabarka u ah horu socodka hawlaha shaqo ee dawladda hoose.
5. Isagoo bedelay dhaqan shacabku ku dhaqmi jireen oo ahaa in nootaayooyonku dib u bedeli jireen warqadda iibka dhulka iyagoo qorshahoodu daarnaa inay yaraato lacagta kala wareejinta labada iib. Isagoo xoghayihii xiligaas u maamulay inuu u sameeyo 30% —40% discount ah. Halkaana ay dib uga soo hoyatay dakhligii caadiga ahaa ee dawladda hoose ee hargeysa.

Hadaba xoghayaha maanta jooga markaad kala hadasho arin cashuureed wuxuu si dhib yar u odhanayaa haygala hadlina. “Xigasho masuuliyiinta qaybta cashuuraha dawladda hoose ee hargeysa”.

Sidaa darteed waxaanu u soo jeedinaynaa cid kastoy khusayso in sida ugu dhakhsaha badan loogu gurmado bad-baadinta & sabato bixinta dawladda hoose ee hargeysa oo mishiinkii shaqada wareejin lahaa uu noqday fadhiid.

Allaa Mahad Leh.

Qalinkii:- Gar. Keyse Koosaar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso