Dhiig La Daadshaa Xal Noqon Waa W/q: Cabdikarim M Cali

            Waagii baryaba iyo gabalkii dhacaba haddii aad warbaahinta caalamaka u fiirsato waxaad arkaysaa dhiiga daadanaya, cida isdilaysa iyo meesha lagu rogmanayaa in ay u badantahay dhulka Muslimiintu ku noolyiin. Inkastoo jawaabo badan laga bixiyay, kuwo yidhi ILAAH balantiisiibay Muslimiintu ka baxeen, kuwo cadaw shisheeye ku sheegay, kuwo madax xumaatay ku sheegay iyo ummad xumaatay ku sheegayba. Shakina kuma jiro in dhamaan sababahaasi ay yihiin tamarta ama shiidaalka dabka ummada Islaamka ahi ku jirto.

            Haddaad eegto Ciraq, Yemen, Libiya, Masar, Sudan, Afghanistan, Somalia, IWM. Dhamaan dad iyo duunyo waa dhimanayaan, badankooda dhibta haystataa maaha dhib ka imanaysa dawlada shisheeye inkasta oo aanay gacan shisheeye ka madhnayn. Balse dadkii dhulkaa lahaa, iyagaa dabku dhexyaala, xitaa kuwa shisheeyo haysto ama dhibayo, cida ay inta badan adeegsanayaan waa iyaga laftooda.

Waxa ummadii Islmaaka ahayd ugu horreyn loo qaybqabiyay qabiilo iyo waddamo waxaana la dhexdhigay colaad aan lahayn sabab iyo ujeedo cad. Waxa socda dagaalo sokeeyo, oo illaa hadda aan la hayn cid ku raysa ama ay ugu caano badisay. Halkii horumar laga shaqaynlahaana waxa laga shaqaynayaa sidii loo gaadhilahaa wixii waayo aragnimada aadamuhu ku gaadheen inaanay suurto gal ahayn. Wali Illaa hadda lama hayo cid ummad kale khariirada ka masaxday. Kii mar guulaystaa ama nasiibku u hiiliyaa, waxa la arkaa in markale waqtigu ka hiiliyo oo uu jabo, ciyaartuna ku danbayso maahmaadii Soomaaliyeed ee “Anba waa mare mus ma kula koray”

Waxa shalayto la dilay, Cali C Saalax oo ahaa kaligii taliye wadankiisa ka talinayay wax ku dhaw 40 sannadood, waxuu ku nafwaayay isagoo u dagaalamaya kursigii uu ka dhargiwaayay 37 sannadood, waxna kama baran ninmankii isaga ka horreeyay iyo halkay ku danbeeyeen. Sida Ziyaad Barre, Saddaam iyo Qadaaafi. Inkasta oo qof bani aadam ah geeridiisa farxadeeda laga wanaagsanyahay, laakiin run ahaantii waxa uu ku dhacay godkii uu qoday. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa booraan hadimo ha qodin ku dhicidoontaa mooyiye. Waxa uu Cali C Saalax ku dhacay godkii uu qoday.

Inkastoo lagayaabo dadbadani inay ku farxeen geeridiisa, gaar ahaan kuwii gacantooda ku dilay, su’aashu waxa ay tahay geeridiisa faa’ido ma ka imanaysaa. Cali wanaag laguma xasuusandoono, haddana waxa uu wali leeyahay taagerayaal badan oo si indhola’aana u taageersan, kuwaas oo sidii caadada u ahayd wax magaratada, bilaabi doona inay u soo aargudaaan, dabadeeto dagaalkii sokeeyana sii socondoonaa, iyadoo wadanka loo burburinayo geerida nin marka horeba wadanka silican iyo darxumadan soo gaadhsiiyay.

Waxa waayo aragnimada noloshu ina baraysaa maanta, kow: in hogaanka xumi aanu qabiilna lahayn, dadkiisa iyo dalkiisana dhaxalsiiyo cidhib xumo. Laba: in dhiig daataa, dhiig daata keeno. Saddex: in dagaalka gudaheena aan marnaba guul laga gaadhayn cidina ku adkaanayn. Afar: in dagaalada umadaheena ka dhaxeeya ka reeya iyo kii laga reeyaaba khasaare joogaan. Shan: In diinta, dadka  iyo dalkaba dantoodu ku jirto nabada. Lix: in lagaadhay xilligii aynu toosi lahayn ee la joojinlaa dagaalkan ijiid aan ku jiideega ah, laguna badali lahaa in gacmaa lays qabsado.

ILAAH BAA MAHAD LEH.

Cabdikarim M Cali

Abdikarimmohali@outlook.com

Green Bay, WI

United States

Advertisement

Ku Xayeysiiso