Shirgudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa Guddi Umagacaabay Nabadgalyada Caasimada Sidii Loo Horumarin lahaa

Hargeysa(Toggaherer)-Shirgudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa Guddi Umagacaabay Nabadgalyada Caasimada Sidii Loo Horumarin lahaa.

Fadhigii maanta Ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha golahaasi Md;Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahaasi waxay dood adag ka yeesheen siyaada Arrimaha Biyaha wadanka ,iyagoo mudanayaasha golahaasi ay ku kala aragti duwanaayeen doodoodii maanta waxaanay mudanayaasha qaarkood usoo jeedinaayeen shirgudoonka Golahaasi in loo yeesho masuulyiinta Wakaalada biyaha magaalada Hargeysa iyo Masuuliyinta wasaarada Biyaha Magalada hargeysa Si mudanayaasha Golahaasi ay wax uga waydiiyaan Biyo Balaadhinta caasimadu halka ay marayso.

Geesta kalena shirgudoonka Golha Guurtida somaliland waxay magacaabeen Guudi ka howgalaysa arrimaha nabadgalyada wadanka,ka dib dhalinyaro xooko isku Abaabusha xiliyada Habeenkii uu Bulshada Oo Bulshadeena dhibaatooyin u geysata sidii wax liiga qaban lahaa ,halka ay xildhibaanada Golahaasi Arrintaasi ay la kaashanayaan laamaha amaanka.

Halkani ka dhagayso qodob wareedkaasi oo faahfaasn:

Advertisement

Ku Xayeysiiso