Sheeko Gaaban Oo Qosol Ah : Tartankii Dadka Naafadda Ee Abaalmarinta Loo Qabtay Iyo Warqadii Ku Guulaysatay

Sheeko Gaaban Oo Qosol Ah : Tartankii Dadka Naafadda Ee Abaalmarinta Loo Qabtay Iyo Warqadii Ku Guulaysatay

Bari ayaa Waxa La Yidhi Tartan abaal-marin QAALI ah lagu guulaysan doono, ayaa loo qabanayaa Dadka Naafada ah ee qaybaha Jidhkooda Lixaadka dhaawacyadda iyo Naafadda kala dhantaalmay la liita, waxaana tartanka marka layskugu yimaado abaalmarintaasi qofka la siin doona looga baahan yahay in uu noqdo qofka ugu liita ee Lixdiisa ama qaybihiisa Jidhka ay guddida Abaalmarinta bixin doonta isla qaataan in uu yahay ka aanaay jirinba qof ka Liita dhibta Naafo nimaddu u keentay Lixaadkiisa ee ka muuqata qof ahaan tartamahaasi.

Goobtii lagu balamay ayaa layskugu wada yimid, saa ka gacanta go’an, ka labadaba go’an, ka Indhaha La, ka Luguhu go’an yihiin, Ka Dhegaha La, Ka Hadalku ku xidhan yahay iyo xata kuwo Qaybo kale oo Jidhkooda ahi ka maqan yihiin ee Baaskiiladda lagu wado intiiba goobtii Tartanka ee guddida abaalmarinta ku balanqaaday joogeen ayaa layskugu wada yimid, tartankii waa la gudo galay oo mid kasta halkii u darneyd iyo qaybtii lixaadkiisa ka midka ahayd ee uu isku ogaa Muuji inay ka maqan tahay ee uu ka lixaad la yahay muuji, ka dibna Kursigiisii iskaga noqoy mid kasta oo halkiisii iska fadhiisay natiijaddii Abaalmarinta la sheegayeyna naftiisa qof kasta ku qanci oo u dheg taag isaga oo hoos u leh malaha adiga ku guulaystay.

Ku Dar soo dadkan Naafadda ah ee Tartanka Abaalmarinta ah loogu yeedhay inay ka soo qaybgalaan, qaarkood markii tartanka la furay ee mid mid in loo soo istaagay Madashii Tartanku ka furmay , ayaa qaarkood dadkii Naafadda ahaa hoos u duseen oo baxsadeen, sababtuna wax kale maaha ee waxay dadkani ogaadeen inay dhibta ay qabaan ee Naafo nimadu caano kula dega tahay oo wax sidaasi ahba aanay qabin marka la barbar dhigo dhigooda tartanka ka qaybta ah oo dad ay Musiibo inay ku dhacday mooda inay goobtaasi ka soo qaybgaleen oo Lixaadkoodu heerka naafo nimadda ay dirqi ku nool yihiinba.

Markii ay ugu dambeyntii tartame la soo afmeeray ee qiimeyntii guddidii tartanka qabatay iyo natiijadda ay ku dhawaaqi doonaan qof kasta oo ka soo qaybgalayaashii dadkii Naafadda ahaa wada sugayaan, ayaa albaabkii Hoolka Tartanku ka socday, waxa ka soo galay Wiil yar oo qiyaastii ilaa 12 Jir ah, si toosa ayuu Madashii dadka naafadda ah garoonka ay ku tartamaan ahayd ee (Stage) u istaagay Wiilkii yaraa ka dib guddidii ayaa ku tidhi adeer maxaad doonaysay, meesha hawl ayaa ka socotee ?

Wiilki Yara : Kuye “Adeero meeshu soo maaha meeshii dadka Naafadda ah lagu tartansiinaayey” ?

Guddidii :waxaa loogu Jawaabay haa adeer waa goobta lafteedii ee maxa ku daran ?,

Wiilkii : Kuye “Adeer Warqadan Walaalkay oo Naafo ah oo Sariirtii Gurigayaga Jiifa ayaa ii soo dhiibay ee hooya wuxu igu yidhi Tartanka ma tegi karaayo ee Warqaddaasi iigu dhiib Guddida tartanka qabanaysa anigu taas ayaan kaga qaybgelayaa marka hooya akhriya waraaqda”?

Guddidii: Bal adeer keen waayehee aanu akhrinee iyo Waar Hayaay iyo Waar Kana Ku Guulaystay iyo Natiijaddii oo guddidii ku dhawaaqday ku guulayste hebelka hebelka Hebe loo Sariirta gurigooda Jiifa ayaa noqday ka aanu aqoonsanay in uu Tartankii dadka Naafadda ee Sannadka ku guulaystay? Yaab iyo Guux iyo Taloow xaaladiisu waa mid caynkee ah iyo waar bal u duceeya iyo walee kaasi ma noola ee nafta ayuumba sudhan (Waa Hadaladii Tartamayaashu si hoose ugu xanshaashaqeen ee hada la soco)

Hhhhhh Bal Adba….Caqligaaga la kaasho Waxay Kula Tahay ama u malaynayso, hadii aad doonto u qaado in lagaga shubtay kuwii tartanka ka qaybgalay kkkkkk

 

Qalinkii: Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso