Nadiifinta Musuqmaasuqa ka Socota Sucuudiga oo Gaadhay ciidamada Sacuudiga +Saraakiil la qabqabtay!!!

Sarkaal Sacuudi ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Bloomberg in ololaha “nadiifinta”ee uu hogaaminayo amiirka Dhaxalka leh ee Sucuudiga Mohammed bin Salman si loola dagaallamo musuqmaasuqa la balaadhieyey gaadhayna saaraakiisha howlgabka ah ee ciidamada.

Wargayska ayaa sheegay in sarkaalkan oo ah mid sare uu sheegay in mas’uuliyiintu ay xidheen maalmihii u dambeeyey 14 askari oo hawlgab ah oo ka shaqeynayay Wasaaradda Gaashaandhigga iyada oo ay weheliyaan laba Sarkaal oo hawlgab ah oo ka shaqeynayay Difaaca Qaranka.

Wuxuu sheegay in Saraakiishan lagu tuhunsan yahay inay ka qayb qaateen qandaraasyada musuqmaasuqa.

Waxaa xusid mudan in Prince Mutcab bin Abdullah Wasiirka Amniga Qaranka uu yahay ninka ugu caansan raga laga qabqabtay dhinaca ciidamada Sacuudiga.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso