U fiirso Wanaaga Ilmahan wuxuu ku adkaystay inuu quudiyo saaxiibkiisa ka dib dhulgariirka Iran

Baraha bulshada ayaa la wareejinayaa fiidiyoow Ilmo yar oo shan sano jir ah oo la socda saaxiibkiisa yar si uu uga qaato gargaarka ay qaybinayso maamulka Iiraan ee meelaha ay burburiyeen dhulgariirkii dhacay Axaddii hore.

Ilmaha ayaa ka soo muuqanaya fiidiyoowga iyaga oo ku sii jeeda baabuur shixnad gargaar sida, isaga oo haysta gacanta saaxiibkiisa markii la waydiiyey ma keliga ayaad timid ayaa ilmuhu ugu jawaabay maya waxaan la imi saaxiibkayga ma aad siin raashin.

Dhulgariirkii ku dhuftay xudduudaha Iran iyo Ciraaq ayaa waxa ku dhintay qiyaastii 530 qof waxaana ku dhaawacmay in ka badan 8,000.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso