Qoomna ma jabo ilaa ay iyagu is jabiyaan

QOOMNA MA JABO ILAA AY IYAGU IS JABIYAAN

Dad badan waxay leeyihiin waxaa inoo dhacday doorasho xaq ah oo xalaal ah, waxaanay aaminsanyihiin inay waxbadan usoo kordhinayso Somaliland.

anigu waxaan qabaa mid ka duwan oo ah inay horsedayso caqabad cusub oo ah bilowgii burburka Somaliland, sidaynu wada aaminsanhay waxa aad u kobocday qabyaladii oo maraysa meel aany waligeed hore u gaadhin, waxa aynu isla wada qirsanahay qaranimo iyo qabyaladina inanay is qaadi karin.

Markaad eegto dadkeena inta badan wa dad aqoon leh inkastaba ha gaadhsiisnatee, dhamanteen way ognahay ama qiyasaynaa in aany is qabankarin qabiil iyo qabyaaladi, hadana ka wada raali baynu nahay , maxaa qaldan, waxaynu wada ognahy inaanu qabiilna qabiil ka sarayn kana xoogronayn, hadana nin waliba wuxuu rabaa inuu kiisu horeeyo ama sareeyo, maxaa qaldan, waxaynu ognahay in ninkasta oo masuula xil dawlada u hayaa uu qabiil meesha ku fadhiyo sidee u dhaliili karaa haduu qabsan wayo shaqadiisa maxaa qaldan, sidee baynu aduunka isaga iibin karaa inagoo dawlad qabiilaysan oo aan qaran ahayn haysana, waxaan aad ula yaabay ummad dhan oo sheekh iyo shriifba leh, oo qabiil dartiis u ogolanaysa inuu wadan dhan maamulo nin lagu eedaynayo dambiyo waweyn, maxaa qaldan.

siday wax u socdaan hadaan wax degdeg looga bedelin waxan filaya in aynu ka meeqaan hoosayn doono maamul gobeleed

wabilaahi tawfiiq Mohamud jama    London

Advertisement

Ku Xayeysiiso