Odoraskii Daraasadaydii: Balse Ma tahay Nin Lexeljeclo Qaranka ka leh?

Doorashaddii maddaxtinimada ee dalka ka dhacday 13 November 2017 ayaa sii xor ah oo xalaal u dhacday. Waxaa taa ka markhaati kacay, kormeerayaashii ajaanabiga ahaa ee lixdanka xubnood ahaa . Taasina waxay ugu hambalyeeyen, shacbi waynaha Somaliland ee sida quruxda badan iyo nabadgalyada leh u codeeyey.

 

Anigu  waxaan daraasad balaadhan ku sameeeyey gobalada dalka oo dhan siday dadku ugu codayn doonan asxaabta qaranka ee ku tartamaysay doorashadii maddaxtinimada – 13 November 2017. Waxanan si qoto dheer oo balaadhan u eegay 13 degmo doorasho ee gobalka Maroodijeex.  Waxaan degmo degmo si cilmiyaysan oo xisaabi ku fadhido u baadhay codadaka la filaayay in Xibsiga Kulmiye ka helo degmooyinkaa 13 ah ee gobalka Maroodijeex.

 

Hadaba odoraskii aan ku  sameeyey doorashada ka hor tirada codadka uu Maroodijeex ka heli doono xisbiga Kulmiye iyo natiijada aan rasmiga ahyn ee suuqa ku jirta ayaa 99.99% isku mid ah, guud ahaan (overall).  Darasadaydaa ayaa waxay markhaati ka tahay inay doorashadu xor iyo xalaal u dhacday.

 

Waxanan gabagabaddii fariin   dheer u dirayaa maddaxda xisbiga Waddani iyo taageerayaashadu inay eegan darasadan – si gaarahana u eegan  qaybta ku xusan  gobalka maroodijeex 13 degmo doorasho ee doorashadii dalka ka dhacday.  Waxanan filayaa inaad ku qanacdaan natiijada doorashada marka Koomishanka Doorashooyinku  shaaciyaan.   Darasadaydaa ayaa ka sugan darasadii dalka Marykanka ka dhacaday ee lagu odorasayay doorashadii maddaxtinimda  ee  Donalad Trump lagu doortay. Waxayna markhaati u tahay xalaanimada doorashadii inoo dhacday 13 November 2017.

 

Axmed Cabdi Ciise

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso