Daraasadaydii 2017 : Maxaa Dhab ka noqday???

Daraasadaydii 2017: Maxaa Dhab ka noqday?

Warbaahinta Websiteyada dalkeena, sida Burco on Line, Togaherer  News iyo Hadhwanaag News iyo waliba barta aan ku leeyahay Facebook ayaan ku faafiyay daraasad ku saabsanayid xisbiga  ku guulaysan doona doorashadii dalka ka dhacaday 13 November 2017.

Darasadaasi oo mawduceedu ahaa- Doorashad Maddaxtinimada 2017: Guushu Waa Xagee?  Ayaa Waxaan ku waraystay 500 qof dad ku dhaw iyo xogo badan oo kale oo aan eegay. Gobalka Maroodijeex ayaa 13 kiisaa degmo doorasho aan mid mid isku dultaagay. Waxaa iga soo baxay Gobalka Maroodijeex xogta imika la hayo ee suuqa ku jirta inay daraasadaydii 100% si saxa u sugtay siday dadku u codayn doonan.

Waxaa kalooy daraasadaydu 100% si sax u saadalisay boqolkiiba (%) tirada codadka Xisbiga Kulmiye ka helay doorashadii. Taasi waa ta suuqa ku jirta balse waxaynu sugi doonaa natiijada rasmiga ah ee Gudiga  Doorashooyinku soo saari doonan.

https://www.togaherer.com/2017/11/08/doorashada-maddaxtinimada-2017-guushu-waa

Hadaba hadday daraasadaydu sidaa sax ku noqoto ayaa waxay noqnoysaa mid ka sax saxsan kana sugan darasadihii lagu odorasayay dorashooyinkii ka dhacay dalka Maraykana ee Donald Trump ku soo baxay iyo tii sanadkan ka dhacaday dalka Ingriiska (United Kingdom) sanadkan.

Waa Axmed Cabdi Ciise

Advertisement

Ku Xayeysiiso