Komishanka Doorashooyinku iyo TELCOM Hilaab Xumaa Axmed Maaxmed Diiriye (Toorno), Kigali,

Komishanka Doorashooyinku iyo TELCOM Hilaab Xumaa
Axmed Maaxmed Diiriye (Toorno), Kigali, Rwanda, Ahmedmdiriye@yahoo.com
 
  Go’aanka ay Komishanka Doorashooyinku iyo shirkadaha is-gaadhsiinta (TELCOM) Somaliland isku raaceen in dadka is-gaadhsiinta laga xidho maalmaha cod-bixinta; waxaa ka haboonayd inay codadka doorashooyinka ee degmo kasta iyo gobolka kasta ay dadka u sheegaan musharaxa ku guulaystay, isla marka la tiriyoba”. Taasi waxay dhalin lahayd in saarka doorashaddu uu tartiib-tartiib uga soo dego dadweynaha codkooda bixiyay. Waxaa kale oo ay xog-wadaagan meesha ak saari lahaa, maahmaahda Soomaaliyeed ii tidhaahda “NIn hilaab xumi inuu waxa qarsanayaa la moodaa”.
 
 Waxaaba ka sii yaab badan, shirkadaha tilfoonada dadweynaha ayaa ka iibsaday hirarka telefoonadda (Telephone lines) iyo mareeg xogeedkaba (internet-ka); markaa GEF iyo DEEL-QAAF bay ku tahay macaamiishoodii imay kula dhiiradaan “inammadan doorashadda loo xilsaaray baa nagu yidhi k xidha”. Bal hadda ogaada, sida looga faa’iidaysto ee looga qaato macaamiisha ileen iyagaa galay shaqo aan toodii ahayne iyo doorasho’e. 
Heemaal wanaaggii doorashooyinka Somaliland ee in lagu hirto mudnaan ayay Gudigga Doorashooyinka iyo shirkadddigii tekefoonaddu (TELCOM) hoosiis iyo humaag madow ku hadoodileen, markay isla qaateen in la xidho BARAHA BULSHADDA (Social Media), sida face book, twitter, whatsup, Emma, iyo xataa mareeg-wareedyadda (website).

 Maalintase la soo celiyo is-gaadhsiintan lagu xidhay go’aanka ay gaadheen dad aan siyaasadda gole-ka-fuul ku ahayni, waxaynu halis ugu jirnaa “in dadka lagu yidhaa codkii waa la boobay, oo waxaa arrintan ka dambeeyay Ismaaciil Cuma Geelle (Madaxweynaha Jabuuti), Maxamed Cabdulaahi Farmaajo (Madaxweynaha Dawladda Federalka Soomaaliya), Cabdi Maxamuud Cumar oo inay lagu naanayso Ina Ilay(Madaxweynah Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya)),  iyo Aadan Cabdulla Maxamed (Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga Kenya).

Allow toobiyaha toosan nagu toosi, hogaamintana noogu gacan geli dad garaadkoodu hoota-qaad yahay, oo taladda abaydin iyo fadho-barad ku ahayn.

Advertisement

Ku Xayeysiiso