Jamhuriyadda Somaliland Jahadee u socotaa 13 November2017 ka dib??-

Dalkan curdanka ah ee weli  aan Bulshada caalamka ka helin Aqoonsi calaami ahi Wuxuu soo maray Doorashooyin dhawr ah laga Soo Bilaabo 2003  kuwaas oo Dhamaantood u dhacay si Quruxbadan nabad iyo xasilooni badana ku dhehnayd. Doorashaddii Madaxtooyadda ee ugu danbaysay  waxay qabsoontay 2010kii Xiligaas oo ay Tartan Adag ku kala bexeen Madaxwaynihii Xiligaas Daahir Riyaale Kaahin Udub,Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo Kulmiye iyo  Faysal Cali Waraabe Ucid  Waxa jiray Khalkhal badan oo Laga Qabay in ay ku shubtaan Xisbigii Taladda hayey ee Udub  ka dib markii  Madaxii Ololaha ee xisbigaas Marxuun Cismaan Hindi iyo Rag sarsare Oo Xisbiga ka mid ahaa ay ku dhawaqeen In ay  Aamin san yihiin Guul dhinacooda ah taas Oo Mucaradku Dhibsadeen  Balse Nasiib Wanaag  Madaxwaynihii Xiligaas Md Daahir Riyaale Kaahin  ayaa Go’aan Fican Qatay  kuna dhawaqay Haddii Laga helo in u xilka si nadiif ah u wareejin Doono taas oo u kaga dhabeeyay Noqotayna Taariikh dahab ah Oo Somaliland u soo hoysay Geeska afrika Guud ahaan.

Tiiraarkii Xisbiga Kulmiye xiligaas ku  Tartamayey Waxaa ka mid ahaa La dagalanka musqmaasuqa,abuurista Ilo Dhaqaale& Shaqo Abuur ,Citiraaf Raadin Dhamays ah,Raadinta Malgashi Calaami ah   taas oo ay wehelisay Kelmed caan ka noqotay  Somaliland oo ahayd Isbedel,Waxa xusid mudan  in anaan Maanta Cadayn Karin  Tiraarkaas wax ka qabsoomay Balse Waxan Hubaa weli  Tiraarkii iyo  Wax u dhaw in ay ku Tartamayaan Maanta Sadexdan Xisbi ee Hadda jira Todobba Sano Ka dib ?.

Aan u soo dego Mawduuca e  Maalmo yar ka dib Waxa Dooraasho u dareeri Doona Shacabka Somaliland oo inta is diiwaangelisay ku dhaw Dahay Hal Millyan ,Waxay kala Dooran donaan Sadexda Musharax  Ucid,Kulmiye ,Waddani .Lama sadaalin karo Xisbiga Guulaysan doona Balse Qiyastaydu Waxay ledahay Kulmiye iyo Waddani  midkood in u Tiiro aan badnayn ku Guulaysandoono Haddii Illahay Idmo .

Aarinta Muhimka ahi Waxay Tahay  Ninkii Soo baxa Jahaddee U Hogaamin Doona Jamhuriyaddan Curdanka ah  Xasaradaha badana ku hareeraysan yihiin, Sidee ayuu u  Qanciin Doona Siyasiyiinta Barqabadda Noqday ee Wada Wasiir Raadiska ah,Xagge u Hogaamin Doona Dalkan dhaqalah Badan aan haysan  una Bahan Hoogaamin Tolmoon  ,Citiraaf,Dhaqaale Abuur iyo Cadaladd Somaliland  Daraf Ilaa Daraf.           Reer Barigu Waxay yidhaahdan Boooowe Khayr Filo  Waxana Rajaynaynaa Guuul Somaliland Daraf  Ilaa Daraf,

Mr Cabdiqani Cumar Ducaale

E-mail  :  akomar1983@gmail.com

November 9,2017

Advertisement

Ku Xayeysiiso