Dacwad Lagu Oogayo Gudoomiyeyaasha “Maxkamadda Sare”, “Komishanka Doorashooyinka”, iyo Musharaxiinta Xisbiyadda Axmed Maaxmed Diiriye (Toorno),

Dacwad Lagu Oogayo Gudoomiyeyaasha “Maxkamadda Sare”, “Komishanka Doorashooyinka”, iyo Musharaxiinta Xisbiyadda

Axmed Maaxmed Diiriye (Toorno), Kigali, Ruwaanda: ahmedmdiriye@yahoo.com

 Muran kasta oo ka dhasha midho-dhalka cod-bixinta doorashadda Madaxweynaha ee la filayo inay Somaliland ka dhacdo 13/11/2017;  waxaan xalkiisa looga maarmayn madaxda saddex hayadood oo kala ah Maxkamadda Sare, Komishanka Doorashooyinka, iyo Xisbiyadda. Haddaba, madaxda  hayadahaas ayaa garsoorkoodu inagu hagi karaa “waddada horumarka” ama “han-taaqo aan laga soo waaqsan“.

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ayaa ugu horreeya oo ay isaga iyo xubnaha kale ee komishanka, iyo shaqaalahoodu ay masuuul ka yihiin farsamo ahaan xaqsoorka codka. Haddaba, Cabdiqaadir Iiimaan maantaa lagu kala baranayaa inuu magac “iimaan” run ka yahay iyo in wax loogu qarinayo. Isagaana xor u ah inuu maro waddo uu “if iyo aakhirob” abaal-guud  ku mutaysto; iyo inuu is-geyaysiiyo in maxkamad la soo taago oo Komishanka uu maanta madaxda ka yahay, marba la soo hormariyo, isagoo katiinadaysan oo maxkmada lagu wado (Gudoomiye C/qaadir waa lagu kalsoon yahay, ujeedaduse waxay tahay inuu qof waliba ogaado in lala xisaabtami doono).
Musharaxiinta saddexda xisbi go’aanka ay labba isku raacaan ayaa lagu dhaqmayaa haddii is-maan-dhaaf yimaado; inta aan loo gudbin maxkamadda sare. Waxaase la sii saadaalinayaa, haddii Muuse Biixi Cabdi helo, inuu Faysal Cali Waraabe ku raacayo; cid kalena loo joojin maayo. Haddiise C/raxmaan Cirro helo, inay labbadda kale diidayaan. Siddo kalena, haddii Faysal Cali Waraabe helo; labbadda kale way diidayaan, waayo meeshaba waanay soo dhigan (Allow ma og tahay). Markaa miyaanay halkaa ka muuqanin xaqdarro musharaxiinta qaarkood aan la aqbalayn “haddii uu helo iyo haddaanu helinba” (Allow magantaa). Maxkamad baase sugaysa musharaxa go’aankiisa ku saleeya wallee ama “La i dooraya ama Somaliland daadku ha qaado“; waayo dadkan iyo dalkaniba hortaana way jireen, dabadaana way jirayaan
 
Gudoomiyaha Maxkammadda Sare, ahna Gudoomiyaha Maxkammadda Dastuuriga ah isagaa ah awoodda ugu dambaysa (Ilaahay ka sakow) ee go’aaminaysa, kuna dhawaaqaysa midho-dhalka cod-bixinta. Haddaba Aadan Xaaji Caliyow, haddii doorashada muran sharci galo, oo la isula kaa yimaado. Adigoo aan garta niqin baa la sii saadaalin karaa jihadda aad wax u waddo. Waayo; haddii aad dacwadda u dhiibo fadhi ay u dhan yihiin 11 ka garsoore ee Maxkammadda Dastuuriga ahi, waxaa muuqanaysa inaad daacad ka tahay oo arrintaadu tahay “ILAAHAYOOW EEX IGUBA OGID, AQOONSE HA IGU CADAABIN”. Haddiise aad tidhaado 5 garsoore (oo aanu wax isku ognahay) ayaan u xilsaaray muranka natiijadda doorashadda (Supreme Court, instead of constitutional court); ogow inaanay ciddina qaadanayn go’aankaaga. Waxaanad ku dambayn doontaa  in dacwad lagaaga oogo International Criminal Court (ICC).  NIN WALIBA WIXII UU KASBADAY,  WAA LA KULANSIINE

Advertisement

Ku Xayeysiiso