Bilayska Tuniisiya oo Xidhay Nin Ku Dhaawacay Tooray laba Sarkaal Meel u Dhaw Xarunta baarlamaanka


Bilayska Tuniisiya ayaa xidhay Nin xagjir ah kadib markii uu laba askari ku tooriyeey Barta Bardo sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Tuniisiya.

Wasaarada ayaa ku sheegtay qoraal rasmi ah oo ay soo saartay in ruuxu ahaa ruux lagu shubay Fikirka Takfiiriga uuna ka dhaawacay sarkaal qoorta ka kalena wajiga.

Dhacdadu waxay ka dhacday meel u dhow dhismaha barlamaanka ee caasimadda Tuniisiya.

Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in eedaysanaha ay yaqaaneen mas’uuliyiinta ammaanka. “Waxa uu qaatay fikradda Takfiiriga Muddo sadex sano waxaanu aaminsanaa in ragga amnigu yihiin kuwo Dawaaqiit ah” ayaa lag yidhi Qoraalka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso