Beesha Abokor Ciise oo Gaadiid Ololaha Loogu Talo Galay Ku Wareejisay Xisbiga KULMIYE

Berbera(ToggaHerer)-Salaadiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanka beesha Abokor Ciise(Ciise Muuse) oo kamid ah beelaha ku dhaqan gobolka Saaxil, ayaa gaadiid loogu talo galay ololaha xisbiga KULMIYE ku wareejisay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi.
Gaadiidkan oo tiradoodu dhantahay laba, isla markaana loo qorsheeyey inay dardargeliyaan hawlaha ololaha ee uu xisbigu ku jiro, ayaa waxa guddoomiye Muuse Biixi Cabdi gacanta ka geliyey waxgaradka beeshan oo uu hormood u yahay Suldaan Maxamed Cismaan Guuleed(Badda cas), waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay haldoorka beeshan, laguna bogaadiyey kaalinta lama ilaawaanka ah ee kaga jiraan hawlaha olole ee uu xisbigu waqtigan ku jiro.
Aqoonyahan Axmed Carab oo kamid ah waxgaradka beesha Abokor Ciise oo ugu horrayn madasha lagu kala guddoomay gaadiidkan ka hadlay, ayaa sheegay inay beel ahaan diyaar u yihiin inay maal iyo maskaxba kaga qaybgalaan ololaha xisbigu ku jiro iyo dedaalka uu ugu jiro inuu hoggaaminta dalka markiisii labaad ku guulaysto, waxana uu tilmaamay kamid yihiin shacabweynaha reer Somaliland eeku qanacsan waxqabadka xisbiga KULMIYE.
Suldaan Maxamed Cismaan Guuleed oo kamid ah hormoodka beeshan oo isagu fureyaasha gaadiidkan, ayaa xusay inay deegaan ahaan kaalin muuqata kaga jiraan halganka uu KULMIYE ugu jiro inuu talada markale qabto, isla markaana ay kamid yihiin dadka cuudka iyo cududaba diyaarka ula ah xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan uga mahadnaqay gaadiidka ay waxgaradka beeshani ugu deeqeen KULMIYE, waxana uu xusay inuu gaadiidkani wax badan ka tari doono hawlaha adag ee uu xisigu waqtigan ku jiro.

Advertisement

Ku Xayeysiiso