Daawo: shirwaynihii 10aad ee wadatashiga shacabwaynaha iyo xukuumada DDSI oo la soo gabagabeeyay iyo Eheladii Dadkooda lagu Xasuuqay Haawaday oo lacag la gudoonsiyey

Waxaa maanta si rasmiya loogu soo gabagabeeyay magaalada Jigjiga gaar ahaan madasha shirarka kaali Ee xarunta madaxtooyada DDSI Shirwaynihii 10aad Ee Wadatashiga Iyo Xog-Iswaydaarsiga Xukuumada Iyo shacabwaynaha DDSI Kaasi oo mudo 5 maal-mood ah socday islamarkaana ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibanaada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq.

Haddaba waxaa xidhitaankii shirwaynahan ka Hadlay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii u mahad naqay Ergooyinka iyo odayaasha dhaqanka deegaanka Sida meeqaam ka sare ee ay uga qayb-qaateen mudadii uu shirku socday madaxwaynaha Ayaa Sheegay in xog iswaydaarsigii Fikiradii iyo talooyinkii ka soo baxay ergooyinka iyo Odayaasha Deegaanka ee Ka Soo qaybgalay shirwayanahan wadatashiga ay yihiin kuwo gashi u noqonaya u noqonaya Xaqiijinta hirgalinta qorshayaasha horumarineed nabadgalyo iyo maamulka suuban ee deegaanka. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in ay xukuumada DDSI iyo shacabka deegaanku sii xoojinayaan ka midho dhalinta qorshayaasha lagu tir tirayo saboolnimada laguna gaadhayo isku filnaansho dhinaca kasta leh, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in deegaanka cadawgiisa 1aad uu yahay saboolnimadka balse aysan cidkale ahayn islamarkaana loo baahnayahay in dadaalkeenu uu noqdo sidii deegaanka loogasaari lahaa saboolnimadka .

Dhankooda ergooyinkii iyo odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa soo jeediyay qodobo ay koox-koox u gorfaynayeen sidii loo sii xoojinlahaa hirgalintooda qodobadaasi oo ay ka mid ahaayeen in dareen feejigan laga yeesho lagana hortago aragtida xagjirnimada iyo argagixisada,in qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xukuumada DDSI kaalin mug wayn ka gaystaan taakulaynta iyo caawinta bulshada soomalida ah ee laga soo barakiciyay deegaanka oromada, qorshaha biyo,baad beer caafimaad iyo cilmi ee lagu suurtagalinayo isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa sidiisa loo hirgaliyo iyo in si baladhan looga faa’iidaysto shirkada tabac iyo maal (TM) oo ah shirkad lagu tir tirayo saboolnimada iyo ma shaqaystenimada.

Sidoo kale waxaa gabagabadii shirwaynahan la gudoonsiiyay eheladii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen shacabka Soomalida ahaa ee lagu xasuuqay hawaday ee deegaanka Oromada qoyskiiba 500,000 shan boqol oo kun.oo birr.

Ergooyinka iyo odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa waxay balan qaadeen   in ay sii xoojinayaan kuna fara adaygayaan hawlaha nabadgalyada, horumarka iyo maamulka suuban ee ka hirgalay deegaanka, ilaalinta nidaamka federalism, Dastuurka JDFI iyo waliba adkaynta iyo ilaalinta istixgalinta , isqatarinta iyo nabadku wadanoolaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya.

Waxaa kale oo xusid mudan in soo xidhitaankii shirwaynahan uu ka soo qaybgalay fanaanka wayn ee caanka ka ah guud ahaanba gayiga Soomaalida iyo caalamkaba fanaan Axmed Cali Cigaal oo soo xidhitaankii shirkan ka qaaday heesihiisii waayo waayo kuwii dhexe iyo heesihiisii ugu dambeeyay.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso