Daacadnimo iyo Qorshe cad Muuse Biixi Baa leh

Assalaamu calaykum waraxmatulLahi wabaraakatu dhamaan muslimiinta oo dhan gaar ahaan reer Somaliland, Doodii sadexda musharax waxaa iiga soo baxay oo aanan ka filanayn Muuse sida daacada ah ee uu su’aashii ugu dambeysay ee barnaamijkaa lagu weydiiyey maxay kaaga fiican yihiin labadan musharax, Mansha’Allah halkaa waxaa iiga soo baxday in Muuse uu yahay nin daacada oo u qalma in dalkan lagu aamino, Madaama la wada ogyahay abaalkii uu dalkan gashtey, Waxa ugu qaalisan oo uu qof huraa waa naftiisa, Muuse xoriyadan aan ku seexano wuxuu u sadqeeyey naftiisa isagoo weliba dhalinyar ah kuna noolaan karayey america, Lakiin wuxuu ka door biday in uu dalkiisa ka xoreeyo nacasbkii macangaga ahaa ee ay weli nacabkeenu xusaan 21 October,Media somaliya eega sida ay maalintan iyo ragii xasuuqa noo geystay u weyneeyan,Mase ogtihiin inuu moorgan ku nool yahay madaxtooyada somaliya, Bal ka warama hadaynu inana geesiyaal ku sheegno ragaa geysta dilka oo aanu ku tilmaamno rag xoriyada u dagaalamaya sida tii ugu dambeysan ee ay kaga dhinteen inka badan 300 oo qofood, Miyeysan dareemeyn xanuunka ay leedahay marka lagu xasuuqo ee aad weydo ehelkaagii iyo dadkaagii aad jeclayd gaar ahaan ubadkaaga oo naftaada ka hormarin jirtay baahidooda iyo xanaanadooda. Lakiin inagu waanu ka roonaaneynaa oo waanu u ducaynaynaamuslinimo aawadeed oo diibnteena ayaa na faraysa inaanu sidaa yeelno, Lakiin wanaag kama sugeyno, Walaahi inaan been ku dhaaraneyn nin reer somaliya ah ayaa igu yidhi ciidamadan turkiga uu tababarayo Somaliland ayey u soo socdaan siday u midayn lahaayeen somaliya, Wuxuu noo haystaa inaanu ogeyn oo waa sababtaa tan Muuse aanu u dooraneynaa, Waxaanan aan maanta qalinka u qaatay inaan dadkeyga ku dhiiri galiyo maalinta adag nin adag ayaa loo baahan yahay ee nin jilicsan maanta ma’aha maalintuu talin jiray.
Muuse waa nin leh astaamihiii hogaamiyaha oo daacada dadkiisa la tashada aqoonyahanada kuwii ugu sareeyey ee ugu hal-doorsanaa ay garab taagan yihiin, Waxaanan ku xasuustaa Muuse sidii Allaha u naxariistee Maxamed Ibrahim Cigaal ayuu marwalba dadkiisa hor istaagaa oo uu si toos ah ula hadlaa, Cigaal dabadii miyeynu aragnay nin madaxa oo si toosa noola hadla, Ku darsadoo cadawgeenu maalinta komishanka doorashooyinka iclaamiyaan inuu helay Muuse Biixi ayay hurdadii iyo rajadii midnimadii somaliweny ugu dambeynaysa, hurdana ma ladi doonaan.
Waxaanan aad ugu qancay majarahiisa siyaasada dibada, Bal car waa kaa Ciro ha cadeeyo siyaasadiisa dibada, Hadalba wuxuu ku afgooyaa waxbaanu ka bedelaynaa habkii ictiraaf raadinta, Bal ha cadeeyo wadada iyo sida uu u bedeli doono.

Sharma’arke Maxamed Cumar Qoti
sheeq@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso