“ARAGTIDAYDA IYO DOODDII SADDEXDA XISBI QARAN” Cabdinaasir Axmed Abraham.

Eebbe ayaa iska leh mahad oo dhan. Akhristayaashayda qiimaha badan ayaa abaal weyn igu leh, oo ay ku mutaysteen dhiiri gelinta iyo bogaadinta qoraalladayda, faallooyinkayga iyo gorfeynahayga.
Markii aan dib u akhriyay buugta axsaabta, iskuna eegay jawaabaha musharraxiinta iyo dhigaalka buugta ama barnaamij siyaasadeedkooda. Markii aan is-bardhigay faraqa u dhexeeya jawaabaha ay bixinayaan musharraxiintu iyo mid walba geesta uu iska taagayo iyo habka sharraxa jawaabta iyo fahankiisa su’aasha lafteeda. Markii aan doodda dhuuxay ee dhowr goor ku ceshaday ee aan isku dayay in aan sanduuqa bannaankiisa wax ka eego, waxa aan haddii xagga Rabbi laga helo halkan idin kula wadaagi doonaa fahankayga dooddii saddexda musharrax dhex martay aniga oo aanay igu jirin taageero aan xisbi gaar ah u hayo. Waxa aan doodda ka eegi doonaa dhowr dhinac oo kala ah;
– Jawigii goobta doodda.
– Dooddan iyo ahmiyaddeeda siyaasadeed.
– Bogaadin ciddii soo qabanqaabisay doodda.
– Jaangoynta barnaamij siyaasadeedka xisbiyada iyo muddo xileedka, dhaqaalaha dalka iyo duruufaha siyaasadeed.
– Habka weydiimaha ay uga jawaabayeen musharraxiintu ama abbaarta jawaabta saxda ah iyo fahanka su’aasha lafteeda.
– Nuxurka musharrax kasta iyo wixii uu ku wanaagsan yahay barnaamijkiisa ama hadalkiisa ee ummaddu ku dooran karto. Iyo arrimo kale oo door ah.
1.01. JAWIGII GOOBTA DOODDA
Heesta Qaranka (National anthem) ee Jamhuuriyadda Somaliland oo dareenkii dadkii doodda ka soo qayb galay iyo kuwii dunida dacalladeeda ka daawanayay ba beddeshay ayaa lagu furay doodda. Dadka madasha fadhiyay waxa ay ahaayeen qaar aad mooddo in loo soo dardaaray, dhammaan dareenkoodu uu soo jeeday, waxa ay xiiso weyn u qabeen doodda, xagga hore waxa la soo fadhiisayay madaxda iyo saraakiisha xisbiyada. Iftiinka goobta waxa aad moodday in aanu wanaagsanayn gaar ahaan marka aad TV- ka daawanayso. Doodda qaybta hore halka Musharraxiintu taagnaayeen dhabarkeeda midabbada ku samaysan ee Buluugga iyo caddaanka ahi ma aha qaar taageeraya in si wanaagsan wax looga arko, waxa kaga habboonaan lahaa midab saafi ah, sida; madow, buluug ama caddaan.
Inta badan is-maqalku waa hagaagsanaa inkastoo marmar gurxan aad maqlaysay, sacabka iyo orda waa la mamnuucay, taasina waxa ay suuro-gelisay deegaan wanaagsan oo dooddu ku hano-qaadday, may jirin ama aad bay u yaraayeen dadka kackacooda iyo tilifoon ku hadalkoodu. Shuruucdii goobtana dadku way u hoggaansanaayeen.
1.02. DOODDAN IYO AHMIYADDEEDA SIYAASADEED 
Doodahan oo kale dunida dumuqraaddiga ah waxa soo agaasima jaamacadaha iyo Muuqbaahiyeyaasha waaweyn.  Somamaliland oo waddan yar oo curdin ah, aan aqoonsi dunida ka helin, ka mid ah dawladaha layliga ah ee dumuqraadiyadda adeegsada. Hannaanka xisbiyada badan muddo ku naalloonaysay, doorashooyin xor iyo xalaal ahi hore uga qabsoomeen, madaxweyne iyo xisbi xaakim laga helay doorashadii taladii ku wareejiyay xisbi mucaarid ah. Xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda aadamuhu tixgelin dheeri ah ku leedahay, saxaafaddu si xor ah oo aan dunida badankeeda suurto gal ka ahayn shaqadeeda u qabsato.
Somaliland oo ah waddan dunidu hagratay in dooddan oo kale ka dhacdo oo ragga hoggaanka dalka ku hirdamayaa ay dood iskugu yimaaddaan, dadka qanciyaan, weydiimaha la weydiiyay ka jawaabaan, barnaamij siyaasadeedkooda dadka ku qanciyaan waxa ay ahayd arrin qaaradda Africa iyo dunida Carbeed ba mucjiso ku noqonaysa. Waxa se mudnaanteeda fahmi kara dadyowga siyaasadda Cilmi ahaanta u bartay ee daraaseeya.
Waa hubaal in diblomaasiyiin door ah iyo wardoon badan ba xogteeda gudbiyeen, qiimaheeda siyaasiga ah iyo muggeedana way lahayd, waxa aanay ka marag kacaysay bisaylka ka muuqda shacabka iyo siyaasiyiinta reer Somaliland. Waxa ay ahayd arrin mudan in Somaliland lagu bogaadiyo.  Isku soo wada xoori oo dooddani waxa ay farta ku fiiqday GURGURSHAANIMADA SIYAASIGA IYO SIYAASADDA SOMALILAND.
1.03. BOGAADIN
Halkan waxa aan hambalyo uga dirayaa shaqadii wanaagsanayd ee ay qabteen, kooxdii soo qaban qaabisay dooddan ee (IG) iyo daadihiyeyaashii doodda Cali seenyo iyo Maxamed Ilig.
Inspire Group, waxa ay muujiyeen musiiliyad dheeri ah, waxa aanay kasbadeen kalsoonidii shacabka, shaqo wanaagsan ayay qabteen, waxa ay ciyaareen door maqnaa oo aad iyo aad u muhiim ah. Hawshaa in ay sii joogteeyaanna waan ku boorrin lahaa.
Daadihintii barnaamijka doodda, labada suxufi ee caanka ah xirfaddoodii suxufinimo ayay Iyana si wanaagsan ugu gardaadiyeen barnaamijkan doodda ah, guud ahaan labadooda ba halkan waan uga mahadnaqayaa sidii ay u maamuleen doodda.
1.04. ISKU JAANGOYNTA BARNAAMIJ SIYAASADEEDKA XISBIYADA IYO MUDDO XILEEDKA, DHAQAALAHA DALKA IYO DURUUFAHA SIYAASADEED.
Xisbigu waa in uu barnaamijkiisa ku dhisaa muddo xileedka (Wakhtiga) Miisaaniyadda iyo haynta Qaranka (budget) iyo wali ba duruufaha siyaasadeed ee Qaranku ku jiro. Waxaana arrintaa bud-dhig u ah dhaqaalaha waddanka. Ballanqaaddadii xisbiyadu barnaamij siyaasadeedkooda ku xuseen ama ba goobtii doodda ka sheegeen waxa ay ka badnaayeen awoodda ama tamarta dalka.  Si kale haddaan u dhigno waxa aan odhan karnaa way wanaagsanaayeen hasa yeeshee, waaqica iyo suuro-galnimada uma dhoweyn marka aad laba arrimood eegto wakhtiga iyo adduunka (kharashka).
1.05. HABKA WEYDIIMAHA AY UGA JAWAABAYEEN MUSHARRAXIINTU AMA ABBAARTA JAWAABTA SAXDA AH IYO FAHANKA SU’AASHA LAFTEEDA. 
Hannaanka ay musharraxiintu weydiimaha uga jawaabayeen waxa jaangoynayay laba arrimood oo kala ah; fahanka weydiinta lafteeda iyo sida ay iskaga dhowrayaan in aanay ka bixin edegta weydiinta. Hadda ba saddexda musharrax Faysal ayaad moodday in uu taraarayay labada musharrax ee Cabdiraxmaan iyo Muuse aad bay iskugu dhowaayeen xagga ku ekaanshaha weydiinta walow iyaga laftoodu mararka qaar ka baxayeen xayn-daabka su’aasha, oo Cabdiraxmaan marmar badan weydiinta la weydiiyay dhalliil Xisbiga Kulmiye ah kaga jawaabayay.
1.06. HAB GUDBINEEDKA LUUQADDA JIDHKA IYO SADDEXDA MUSHARRAX.
Aragtiinkayga haddii aan ka hadlo hab gudbineedka luuqadda jidhka oo in farriintaada la fahmo door weyn ka ciyaarta, afka qalaadna lagu yidha (kinesics)  waxa saddexda musharraxa ay ugu kala wanaagsanaayeen sidan;
1. Faysal Cali Waraabe,
2. Muuse Biixi Cabdi,
3. Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi.
1.07. QOF WEERARKA 
Doodda marka aad xag walba ka eegto, waxa dhinaca qof weerarka ay u kala hoggaaminayeen sidan;
1. Faysal Cali Waraabe,
2. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
3. Muuse Biixi Cabdi.
1.08.  BOOBSIINTA HADALKA 
Saddexda musharrax marka ay noqoto xagga dedejinta hadalka waxa ay ugu kala wanaagsanaayeen sidan;
1. Faysal Cali Waraabe.
2. Muuse Biixi Cabdi.
3. Cabdiraxaan Cabdilaahi.
1.09. FIRFIRCOONIDA
Xagga firfircoonaanta iyo xarakaadka badan waxa ay ugu kala wanaagsanaayeen sidan;
1. Faysal Cali Waraabe.
2. Muuse Biixi Cabdi.
3. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
1.10. HAGAAG U ABBAARISTA JAWAABTA SU’AASHA
In jawaabta su’aasha toos loo abbaaro waxa ay aragtiday ugu kala dhowaayeen musharraxiintu sidan;
1. Muuse Biixi Cabdi.
2. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
3. Faysal Cali Waraabe.
1.11. BADNAANTA BALLANQAADYADA
Musharraxiintu waxa ay u kala ballanqaad badnaayeen sidan;
1. Faysal Cali Waraabe.
2. Muuse Biixi Cabdi.
3. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
1.12. ADEEGSIGA AFAFKA QALAAD
Haddii celcelis ahaan lagu sameeyo wadar ahaan inta erey qalaad ee musharrax kasta ba adeegsaday waxa u kala badan yihiin sidan;
1. Faysal Cali Waraabe.
2. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
3. Muuse Biixi Cabdi.
LA SOCO WAXA AAN HALKAA KA SII AMBAQAADI DOONAA NUXURKA MUSHARRAX KASTA IYO WIXII AY IILA MUUQATAY IN UU KU WANAAGSAN YAHAY.

Advertisement

Ku Xayeysiiso