Maxaa loo dhaariyay weriyeyaasha?

Maxaa loo dhaariyay weriyeyaasha?

Dooddii xalay (19-10-2017) dhex martay musharraxiinta saddex xisbi qaran ee Somaliland ee u tartamaya madaxtinnimada dalka waxa iiga muuqatay arrin ugub ah oo aanan warbaahinta horay ugu arag hase ahaatee dooddan  aan ku dhex arkay.

Waxa cusub ee iiga muuqday ayaa ah in weriyeyaashii doodda daadihinaayay la dhaariyay si kor loogu qaado kalsoonida dadka doodaya ay ku qabaan suxufiyiinta doodda u qaybin doonna. Taasna waxay u muuqatay mid muujinaysa in weriyeyaasha doodda xidhiidhinaayay aan kalsooni lagu qabin hase ahaatee markii la dhaariyay dhaarta la aamminay ee aan iyaga la aamminsanayn (Wallow iyagu sidii laga doonayay ay u qabteen doodda).

Warbaahintu waxay ku shaqaysaa dhex-dhexaadnimo iyo dheellitirnaan mana jirto adduunka inta ogaalkay ah meel lagu dhaariyo ruux weriye ah oo qaaday masuuliyadda wayn ee weriyenimada. Sharciga saxaafadduna ma qabo in weriyeha la dhaariyo.

Haddaba, maxaa ka dhalan kara arrintan?

Arrintan waxay horseedi kartaa in weriye kasta oo dood u qabanaya dhinacyo iska soo horjeeda la dhaarin doonno taasna waxay ka hor imanaysaa xorriyadda weriyeyaasha iyo warbaahinta.

Kooxda doodda soo qaban-qaabisay dadka uma sheegin sababta keentay in la dhaariyo weriyeyaasha maadaama warbaahinta tiirkeedu koowaad uu yahay runta iyo dhex-dhexaadnimada isla markaana aanay sharci ahayn in weriyaha ka dhaariyo.

Waan u cudur daari karnaa dadka doodda soo qaban-qaabiyay haddii aanay ahayn dad aqoontoodu tahay mid warbaahineed oo waxa la odhan karaa halkaas way il-duufeen.

Ugu dambeyntii, ma dafirayo in dhalinyaro dedaashay iyo dad is xil-qaamay ay qabteen wax wanaagsan oo u baahan ku dayasho haddana maadaama aan ahayn weriye waxa ii cuntami wayday arrintaas gefka ku ah warbaahinta iyo weriyeyaasha waana sababta keentay in aan sheekadan idinla wadaago.

Mahadsanidiin.

 

Khaalid Foodhaadhi
Reporter: Saab TV
Hargeysa, Somaliland.

Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

Mobile: +252634012548
Thank you.

Advertisement

Ku Xayeysiiso