FARIIN KU SOCOTA MADAXWAYNAHA IYO RAYSAL WASAARAHA SOOMALIYA

FARIIN KU SOCOTA MADAXWAYNAHA IYO RAYSAL WASAARAHA UMADA SOOMAALIYEED

Asalaamu Caleeykum Waraxmatu llaahi wabarakaatahu.

Salaan kadib waxaan idinka tacsiyaynayaa dhacdadii foosha xumay ee cadawgu ugaystay shacabkii soomaaliyeed ee aad masuulka ka ahaydeen.Waxaan ku niyad samaaday sida wadaniyada leh ee aad ugu gurmateen shacabkii.waxaan iloobay culayskii iyo dhibkii inagu dhacay markaan arkay idinkoo dhiig shubaya murugaysan aan laha harin naf iyo maal midna.Talaabooyinka gurmad ee aad wajigii horeba qaadeen waxay kamid yihiin mida laydinku xusuusan doono ayaaha danbe.bashar waxa uu qaban lahaa waad qabateen wajigii koobaad.waa idiin mahad celinayaa raali baan idinka ahay waxaadna tihiin wadaniyiin dhab ah oo illaahay yaqaan.

Waxaan idinku waa ninayaa inaad talabada xigta u soo jeed sataan aar goosasho ku wajahan cadawga diinteena,dadkeena iyo dalkeena.Adeer waa layna tijaabiyay.waxaa larabaa in dawladnimadaa inoo kacday boqnaha lagooyo oo la curyaamiyo.waxaa la rabaa in laynagu celiyo qurunkii iyo qabiilkii iyo dawlad la aantii.Maanta dawlada soomaaliya jabahad kasta iyo koox kasta oo isu bahaysata waa ka hub badan tahay oo ka ciidan badan tahay oo ka hub fiican tahay.maanta ma jiro cid aan dawlada ahayn oo leh ciidan qaab ciidan dawladeed ah u tababaran oo milatari dhab ah leh oo aan ka ahayn dawladeena soomaaliyeed,mahaystaan maleeshiyaadka iyo qabaa iladu milatari sidan u hubaysan una tababaran waa maryo calas ama macawusleey waxa kale oo dhami.

Majirto cid militari ahaan wajihi karta oo saacad gudaheed iska difaaci karta ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ee uu hogaamiye madaxwayne FARMAAJO iyo KHAYRE.waxaa intaa dheer shacabkii soomaaliyeed oo diyaar uah inay ka barbar dagaalamaan ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo hiil iyo hooba la garab istaagaan waayo shacabku way arkeen dhibaatada DAWLAD DIID iyo rafaadka dawlad la aantu leedahay.Shacabku waxay rabaan cid u horkacda oo u bilawda dagaalka lagu xoreeynaayo dalka.shacabku waxay sugayaan Gacan bir ah oo dawladu ku horkacdo bas.

Maanta intay jirtay dawladu waa aragnay waxaad qabateen,dal iyo dibadba karaamadii soomaalinimo ayaa soo ifbaxday,waxaa soo muuqda dawlad dhab ah oo soomaaliyeed haybadii ayaa soo noqotay.hadaba cadawgiina shisheeye oo kaashanaya DAWLAD DIID ayaa ka xun hormarkeena oo gacan inoola yimid iyo inuu ina gumaado.sidaa daraadeed FARMAAJO IYO KHAYROOW waa loowada jeedaa wanaaga aad dalkiina iyo dadkiina iyo diintiina u qabateen durba,laakiin nin adiga si ahaanba neceb nolashaada,aan jeclayn jiritaankaaga aan jeclayn in aad yeelato magac iyo sharaf aan si ahaanba ku doonaynin kuuma qirayo wax qabadkaaga mana aqbalayo wax kasta oo aad samayso oo wanaag ah. sababtoo ah waa DAWLAD DIID.waana wax jiran oo xanuunsan waa musuubo abaabulan oo yaab leh waa dad illaahay cadaabta uwado hadaysan toob keenin.

Waxaa idinka FARMAAJOOW IYO KHAYROOW laydinka rabaa go aan qaadasho bir ah iyo hogaamin dagaal.shacabku waa idin raacsan yahay qabiil uma tihiin magan mana jiro qabiil isku taagi kara dawlada soomaaliyeed ee shacabkeedu jecel yahay.waa in cidkasta oo ka hortimaada dawlada iyo nabadaynta soomaaliyeed ee dawladu wado aad tiirka taagtaan.maha dawlada dadka hortaagan mucaarad afka ka hadlaya oo aan hubays nayn oo doonaya dhaliil dhisid ku salaysan ee waa mucaarad hubaysan oo cidkasta dilaya dawlad iyo shacaba oo ku dhisan dumin qaran.waxaan idinka rabnaa nagu hogaamiya dagaal dalka looga sifaynayo DAWLADIID noocyadiisa kala duwan.

Soomaalidu ma xishooto baryo iyo walaaloow kaama yeesho xabad baa lala dhacaa wakaa xalku.maxaayeelay soomaaliga fiican dalkiisa iyo diintiisa iyo dadkiisa ma halaago ma iibsado ma xasuuqo markaa kuwani maha kuwo aynu u baahanahay waa cad waana waajib in la tirtiro oo mid la ga reebin si inta badan u helaan nabad iyo nolol.waxaa lay diin doortay ninkaan kibray ee qoriga shacabka ku haysta in aad edbisaan naga qabataan oo aad kula hadashaan luuqadiisa ah qori caaradiis oo kaliya.

Waxaad ogaataan in shacabka soomaaliyeed dal iyo dibadba 100% idin raacsan yahay oo idin sugayo war go aan qaata oo na dhaqaajiya aan cadawga iska dhicinee waa intaa.Madaxwayne iyo Raysal wasaare waxaan idiin hubaa kuna dhaaranayaa markaad khudbayseen isu soo bixii oo dagaalka ku dhawaaqdeen iyo inaad shacabka u aargudaysaan oo cadawga dagaal lagu qaadayo nimankii ban ayaa dabadooda ka socda wadnihiina afkuu yimid!! waayo waxay ogyihiin shacab iyo dawlad is wata inaysan iska celinkarin oo ay u dhamaatay.idnkana waxaa tihiin kuwo jiilasha danbe ka sheekayn doonaan oo taalooyin loo dhisi doono.dalka xoreeya dalku gumasi buu ku jiraaye fadhigana ka kaca xalkuna waa mid uun oo kaliya oo waa maxay waa dagaal waa dagaal waa dagaal.

waxaan hubaa inaad guulaysanaysaan oo dardaraysan nooc kasta oo cadawgiina ah.

Yuusuf Omar

Advertisement

Ku Xayeysiiso