“ Waxaanu aragtida isku qabanay Waddani, annagu waxaanu lahayn qarankanu wuxuu u baahan yahay horumar iyo maalgashi, aragtidaa mid ka duwan ayuu xisbiga Waddani qabay, oo ah looma baahna horumar, iyo maal-gashi.” Wasiir M. Xaashi 

Berbera (ToggaHerer) Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti balaadhan oo Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo oo Berbera ku sugan, ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka Madaxweynaha.
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay in Himiladii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee heshiiska maalgalinta Dekeda Berbera ay midho dhashay, ifa faale wanaagsan ay leedahay, waxaanu ku dooday in xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu beeno badan ka faafiyey heshiiskaasi, isla markaan ay soo baxday faa’iida qaran ee heshiisku Somaliland u leeyahay.
Mudane maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale xusay in safarka Madaxweynaha ee bariga uu qayb ka yahay dhamays tirka heshiisyadii nabadaynta waxaanu yidhi “  Weftiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu hor-kacayo, ujeedada u weyn ee aannu u soo baxnay waxa ay ahayd laba arrimood, in madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa u kuur-galaan, mashaariic waaweyn oo wadanka laga fuliyey xadhiga ka jaraan, qaarna dhagax dhigaan sida Free Zone-ka, oo faa’iido weyn u leh qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweynaha iyo Xukuumadiisu wakhtigii ugu dambeeyey ee muddo xilikeedkooda ayey ku jiraan, tacabkii ay beereen midhihiisii soo baxay in aannu indho-indhayno oo isha ku dhufano, oo aragno aad iyo aad ayey muhiim u tahay, shacabka aanu tusno oo markhaati gashano. Sidookalen Madaxweynaha ujeedooyinka socdaalkiisa waxa ka mid ah dhamays-tirka hawlihii nabadda iyo dib u heshiisiinta Somaliland oo taariikh weyn qarankan ku leh, oo beri ilaa Saa-dambe warar waa weyn oo qiimo leh aad maqli doontaan, ka hor dhici maayo taas.”
Mudane Maxamuud Xaashi oo khudbada uu arrimahan kaga hadlay ka jeediyey munaasibad lagu qabtay Dekeda Berbera ayaa yidhi “ Caawa waxa aynnu joognaa Dekeddii Berbera waa marsadii qarankani uu lahaa Berberi, Madaxweynaha Siilaanyo iyo xukuumadda xisbiga KULMIYE himilo iyo aragti gun dheer oo Madaxweynuhu uu waligiiba qabay ilaayo intii uu dhalinyarada ahaa ee Xukuumaddii Maxamed Siyaad Bare uu Wasiirka ahaa uu qabay, wakhtigaa wuxuu ka mid ahaa ragii kordhiyey ee dhismaheeda qayb ka mid ah masuulka ka ahaa, aragti ayuu qabay ahayd maadaama ay marsadani tahay marso caalami ah, inay noqo kuwa geeska Afrika ugu qiimaha badan inay noqoto meel ganacsiga dunida soo jiidata, si taa loo xaqiijiyo horumarin ayey u baahatahay. Madaxweynuhu wuxuu amray oo nagu saaray guddi Wasiiro ah in loo doono dekedda Berbera maal-gashi caalami ah, waxaannu samaynay bidh caalami ah, dunidana waxaannu u ban-dhiganay in aannu doonayno cid nala guusha maal-gashiga Dekedda Berbera, waxa soo dalbaday shirkado badan oo caalami ah, oo dunida laga yaqaano shirkada DPWorld ayaa ka mid ahayd, waxa ay noqotay shirkadii aannu u aragnay inay faa’iido badan ay leedahay oo kaga duwan tahay  kuwa kale, inoogana maslaxad badan tahay.
“ Mudadii aannu hawshaa wadnay waxaanu u marnay oo uu qaabanynay qaab sharci ah, nin hulaab xumi inuu wax qarsanayo ayaa la moodaa, Madaxweyne Siilaanyo taariikhdiisa waa la yaqaaanaa,  dadkayaga la shaqaynayana waa la yaqaanaa, sifo sharci ah ayaanu u marnay heshiisyadaa, golahii sharci dajinta ee ummaddu soo dooratay ayaanu hor-gaynay arrintaa, aqlabiyad weyn ayaa nalagu taageeray, hadii madmadow ku jiro waxaas oo xilidhibaano ah oo qaar mucaaridka ahi ku jiraan namay taageereen.”
Wasiirka madaxtooyada ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Waxaanu aragtidaa isku qabanay xisbiga Waddani, annagu waxaanu lahayn qarankanu wuxuu u baahan yahay horumar iyo maalgashi shaqo abuur sameeya, dhaqlaahihiisa kobciya muwaadiniintiisa noloshoodana bash-bash iyo barwaaqo u horseeda, aragtidaa mid ka duwan ayuu xisbiga Waddani qabay, oo ah looma baahna horumar, maal-gashina looma baahna, garan mayno iyagu wax ay wadankan ku horumarin karaan, annagu deeqna maanu hayn, dayna cidi nama siiso, xilkana maanta anagaa hayna, hadaanay iyagu maanta dawlad-nimada garanayn ama haaneedin, annagu maanta dawladnimadii ayaanu haynaa.
Wasiirk ayaa xisbgia Waddani ku Eeedeeyey inuu been badan ka faafiyey heshiiska maalgalinta Dekeda Berbera waxaanu yidhi “ Dadka shaki iyo been iyo dacaayad ayey ku abuurayeen, waxa ay lahaayeen DPWorld way inooga daraysaa, Dekedeena ayaa la qaadanayaa, shaqaalaheena waa la eryayaa, xuquuqdooda waa la dafirayaa, Koontiinarada iyo waxa ka soo dagaa way yaraan doonaan, cashuuraha ayaa kordhi doona, intaas oo aragtiyood ayey ku doodayeen, shalay ayey shacbiga Somaliland dhagaysanayeen, shacbiga ayaa noo garsooraya, anaguna waxaannu lahayn intaa cagsigeeda, waxaanu lahayn Dekeddeena la qaadan-maayo ee waynu wada guulaynaa oo waxbaynu wada dhisanaynaa, kaligeen iskuma filin, waxa aanu lahayn wadada ayeynu wada dhisanaynaa, sadex sano Dekeddeena iyo wadadeedu waxa ay noqonayaan meel durdur ah oo waraabisa Geeska Afrika, himiladaas iyo riyadaasi maanta way rumowday hordhaceedii.
“ Waxa ay lahaaayeen shaqaalaha ayaa la eryayaa, waa kuwaas ka markhaati kacaya qof shaqaale ah oo halkan laga eryey ma jiro, waa kuwas ka markhaati kacaya in mushaharkoodii kordhay, gunadoodii korodhay, xuquuq-doodii korodhay, caymis caafimaad loo sameeyey, meel lagu tiiriyey noloshoodii, aqoontoodii korodhay, taasna been ayey ku sheegeen run ayaannu sheegaynaa.”
Muddane Xaashi ayaa sidoo kalena xusay “Daraasadaha alaabta iyo agabka ka soo dagaa waxa ay muujinayaan in aannu run sheegaynay in shirkada caalami ah oo magac leh marka ay meel qabato inay badan doonaan waxa meesha ka soo dagaa, iyaguna waxa ay lahaayeen waa laga guurayaa, been-bay idiin sheegeen ayaannu leenahay ee anagaa run sheegaynay, waxa ay lahaayeen waxba la dhisi maayo qalabna la keeni maayo, qalabka hordhaciisii waakaas, Dekedxa cusub daraasadeedii ayaa la wadaa, khuburo ayaa la keenay gacan ayaa lagu hayaa, sanadka soo socdka ee 2018-ka ayaa dhismihii Dekedda cusub na la bilaabayaa, isla wadadii Berbera ilaa Wajaale-na la bilaabayaa, ee ahayd 240KM, ee aynu dhaafsanay saldhiga Milatari, waxaannu u arkaynay in aynu waxeena dhaafsano si aanu wax kale u helno, waxaanu shacbiga Somaliland leenahay,  WADDANI waxaas ayuu idiin sheegayey, Xukuumadda xisbiga KULMIYE-na waxaas ayey idiin sheegtay, idinka ayaa noo garsooraya 25 cisho ayaa ka hadahay maalintii garsoorkaasi dhacayey, dacaayad, been iyo af-miishaarnimo, laguma kala badiyo waxba, shacbigu caqligiisa ayuu qabaa, indhahiisa ayuu qabaa, cadaaladdiisa ayuu leeyahay hoggaankii Madaxweyne Siilaanyo iyo himilooyinkii xisbiga KULMIYE laguma hoogin, lamana hiifin, taariikhda ayaana ka markhaati kici doonta.” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso