Wasaaradda Maaliyada Maxa u Kordhay Todobadii Sanno Ka dib July 2010 ilaa December /2017 Qaybta Kowaad

Wasaaradda Maaliyada Maxa u kordhay Todobadi Sanno ka dib July/2010 ilaa December/2017″
Qaybta Kowaad
Wasaaradda Maaliyadu waxa lagu asaasay qodob dastuuriya ah oo lambarkiisu yahay qodobka afar iyo Toban(14), kaas oo ka hadlaya cashuuraha iyo takaalifta; taasi waxay cadaynaysaa in shay kasta asaas u yahay in loo helo dhaqaale, dhaqaalahaasi wuxu ku xidhan yahay sida u muwaadinkasta iyo muwaadinadkasta uga qayb qadato cashuur bixinta, taass waxa sal u ah cadaalada iyo xilkasnimo. Wasaaradda waxaa soo maray wasiiro fara badan oo kala karti iyo aqoon badan; waxaa ugu horeeyey wasiir Ismail Hurre Buuba(Prof: Buuba) ilaa imika oo ay xilka hayso Samsam oo Madaxweynaha imika talada haya u magaacabay xilkaas, isaga oo ka mid ahaa wasiiradi maaliyadda soo maray wakhtigii Madaxweyne Cigaal 1998-kii; Wasiirada Maaliyadda soo maray badidoodu way nool yihiin.
Dawladdi hore ee UDUB waxay wareejisay dayn dhan 21 milyan; xukumadan imika talada haysaa waxa la rajaynayaa inay wareejiso lacag u dhaxaysa 30-40 milyan oo dollar, way ka yaraan karta ama way ka badnaan karta; oo ka imaya lacagtii kharashaadkii la dhimay sanadaha: 25% ee 2016 iyo 30% ee 2017; Wasaaradaha dalka iyo Ha’yadaha dawlada ee kala duwan waxay dayn u sii galeen misaaniyadihii kala aha 2016 & 2017; waana dayn ku taagan Qaranka oo ay dhaxli doonto xukumadda cusub ee tartankeedu dhextaagan yahay saddexda musharax ee kala ah (Eng. Faysal; Muj.Aqon. Muse & Dr. Abdiraxman) waxay kaga bixi karaan oo keliya inaan loo eegin reernimo oo keliya loo eego aqoon, kartii iyo garabsiinta madaxweynaha ku guulaysta inuu taladda dalka qabto, meelahaas oo kala ah Bangiga dhexe; Hanti-dhawrka, Xisaabiyaha Guud & Wasaaradda Maaliyadda. Taas waxay sabab u noqonaysaa in sarifku soo u dhaco iyo in la kantarool dhaqaalaha dalka.
Wasaaradda Maaliyadu waxay ku dhaqantaa xeerarka kala duwan oo la xidhiidh shaqada maalinlaha ee ay qaran u hayso; waxa ka mid xeerka Gadista, xeerka cashuuraha toosan, xeerka wada marista, xeerka kastamadda, xeerka xadgudubyada maaliyadda, xeerka kala wareejinta hantida, xeererka waxa la ansixiyey dhamaantood 1996; laga soo bilaabo 2007 waxa la asaasay qayb ka shaqaynaysaa dib u habaynta nidaamka maaliyadda; waxa la baabiyey 2010-ka markii ee xukumadda Axmed Siilaanyo xilka qabsatay. Waxaynu halkan ku soo bandhigi doona qaybo ka waramaya saddexda wasiir ee soo maray wasaaradda maaliyadda xilligii madaxweynaha imika taladda haysa u magacaabay wasiirada hoos ku xusan:
Qaybta Labaada Eng. Maxamed Xaashi July/2010 ilaa March/2012
Qaybta Saddexaada C/Asis Maxamed Samaale March/2012 ilaa Feb/2015
Qaybta Afraad Samsam Maxamed Adan Feb/2015 ilaa imika Sept 2017
Waxaynu ka eegi doona qodobo Gagaaban oo la xidhiidha waxqabadka dawladnimo ama u bahaan in la cadeeyo qaabka loo qabtay. Waxa ka mid ah:
Miisaaniyada dalka side ayuu maamulay iyo qaabka u isticmaali jiray, tusaale ahaan marka la adaroosayo side ayaa loogu qoonden jiray wasaaradaha kala duwan ee dalka iyo waxa lagu saleen jiray.
Masuuliyadiisa side ayuu uga soo bixi jiray intu xilka hayey, cashuur bixiyeyaashu ma heli jireen marka arrin uga baahdan; hawlaha shaqo.
Dib u habeeynta maaliyaddu side ayuu uga qayb qaatay wasiir waliba muddo xileedkiisi, sidoo kale intee in leeg ayuu ku darsaday hawshan ilaa imika socotay ee jihadu ka luntahay.
Nidaamka shaqaalaynta shaqaalaha wasaarada maaliyada muxu u raacay, ma mid sax mise mid habaab kale loo maray. Tusaale ahaan shaqaalaha wasaaradu waa 1,500 shaqaala iyo ilaa laba boqol oo tabareeriya; wasiirkasta intee ayuu qoray muxu ku kordhiyey intuu xilka hayey; waxaad xisaabta ku darasta in shaqaalihii wakhtigii Amb. Cawil shaqaynaayey wasaaradda waxay tiradoodu dhamayd ilaa lix boqol oo shaqaala (600 shaqo )

Waxaan ka codsanayaa cid kasta oo macluumad dheerad ah ka haysaa arrimaha kor ku xusan inay xidhiidh ilaa soo samayso si aan xaqiiqada ugu dhawaado, igama aha cid gaara wax ka sheeg; laakinse waxa weeye masuuliyadii dalka loogu dhiibay xage ayuu la maray; ma dariiq sax ah mise waxba ka qaloocday.

Yusuf Mohamed Hussein

Advertisement

Ku Xayeysiiso