Musharaxa u tartamaya Congress-ka Maraykanka ayaa sheegtay inay Afduubteen Qoom Kale oo Ku Nool Duni Kale ayna Ilaa Hadda Xidhiidh Leeyihiinn Kalana hadleen Kooxda Daacish.

Bettina Rodríguez Aguilera una sharaxan Congress-ka Maraykanka Gobolka Florida ayaa sheegtay in la afduubtay ayna afduubteen Qoom kale oo ku nool dhul kale ayna kala hadleen arrimo ku saabsan Kooxda Daacish ilaa imikana Xidhiidh ay wada leeyihiin.

Siyaasiyad Aguilara oo ah 59-jir ayaa sheegtay in ay ku afduubteen spacecraft iyada oo 7-sano jir ah tan iyo markaasna ay la xidhiidhaysay Qoomkaas iyada oo sharxaysa Markabkan waxa uu ahaa mid wareegsan iyo in wejiyada Qoomkani ahayn sida ka filimaantu u muuqdaan.

Waxay sheegtay sida ay wariyeen Fox News inay kula kulantay markabka laba dumar ah iyo hal Nin ah waxay leeyihiin timo Buni ah Waxay labisnaayeen dharka xafladaha waxayna kala hadeen waxyaabo ay ka mid yihiin in xarunta tamarta adduunka ay tahay Afrika, In God ku yaal Malta ay ku jiraan 30 Kun oo Madax, dhawaana ay ka wada hadleen Daacish se wax intaa ka faahfaahsan may sheegin.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso