Dhakhtar Lagu Garaacay kabo Cusbitaal dowladeed booliisku oo Qabtay Ninkii Weerarka ahaa!!

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo muwaadin u dhashay Dalka Sucuudiga ayaa si xun u garaacay gacan iyo kabna u qaaday dhakhtar Cusbitaalka Mishary bin Saud Hospital qeybta carruurta ee ku yaala aagga Al-Baxa.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Medina”, dhakhtarku wuxuu ku dhacay dhawr Feedh iyo Kab soona gaadhsiiyey dhaawacyo qoorta iyo wejiga ah waxaana loo wareejiyay xaalad degdeg ah isaga oo xusay in maamulka isbitaalku uu u yeedhay ilaalada amniga oo xidhay Ninka gacanta geystay iyada oo loo gudbiyo Xeer Ilaaliyaha Guud si uu u qaado talaabada ku habboon .

Ilaa iyo hadda lama sheegin Ninkan waxa ku kalifay inuu Dhakhtarkan Gacanta u qaado kuna Garaaco Kab.

Warqaadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso