Shucuuban wa Qabaa’ilann

”Dadyahow waxa aan idinka abuurey lab iyo dhiddig, waxa aan idinka yeeley shucuub iyo qabaa’il si aad isku aqoonsataan, ruuxa’se ugu karaamada badan Alla agtiisu, waa ka idiinku dhawrsan, Alla’na wax walba wuu ogyahay.”

Shucuub iyo qabaa’il

Indhaheenu shucuubta ma arkaan e, qabaa’ilka aya’ay ku boodaan.

Shacab

Shacabku “li’tacaarafuu”da, wa’ay iska indha’tiraan.

Shacabku waa dadka dalka iska leh. Waa muwaadiniinta dhulka iska leh. Waa ummadda dawladda iska leh. Waa bulshada xukuumadda iska leh. Dalku waa dalkoodii, oo iyaga ayaa iska leh. In ay difaacdaani’na waa muqaddas.

Shacabku “li’tacaarafuu”da, wa’ay isdiidsiiyaan.

Shacabku waa qaran. Distoor aya’ay leeyihiin. Calan ayaa u taagan. Ciidan ayaa u hubeysan. Arlada iyaga ayaa iska leh. Xuduud ayaa xeyndaab u ah. Shacab kale’na iska’ma soo gali karaan. Waa in ay (fiise) u soo qaadtaan. Ruqsad la’aanna ka’ma dhex shaqeysan karaan. Sharci la’aanna ma dhex joogi karaan; ku’mana dhex noolaan karaan.

Shacabku “li’tacaarafuu”da, wa’ay baal marsanyihiin.

Shucuubta kale wa’ay iska xigsadaan. Wa’ay iska soo dhaweystaan. Wa’anay isku eexdaan. Wa’anay isgarabsadaan. Wa’anay isku hiiliyaan. Dagaalkana hal dhinac aya’ay ka wada jeedsadaan. Naftooda’na wa’ay isku huraan.

Shacabku “li’tacaarafuu”da, wa’ay ka dhoohanyihiin.

Waa duul madax bannaan. Dalkooda u xor ah. Shucuubta kale’na ma soo fara’galin karaan.Danahiisu waa u gaar. In ay ilaashadaani’na waa waajib. Weerarkoodu waa xaq. Dagaalkooduna waa halgan. Sababta oo ah: Waa shacbiyad.

Shacbiyadduna, waa xalaal.

 

Qabiil

Qabiilku “li’tacaarafuu”da xataa, ku’ma ammaan helaan.

Qabiilku waa qaran dumis. Isma sheegan karaan. Isku’ma eexan karaan. Isku’ma hiilin karaan. Dal ma wada yeelan karaan. Xuduud ma wada yeelan karaan. Isma wada xukumi karaan. Iskoodna isku’ma wada difaaci karaan.

 

Qabiilku waa shacab dumis. Ma wada shiri karaan. Isma wada urursan karaan. Maamul ma wada sameysan karaan. Xisbi ma wada yeelan karaan. Ma wada tashan karaan. Isku’ma wada gurman karaan. Isku’ma wada xidhnaan karaan. Sababta oo ah: Waa qabyaalad.

Qabyaaladduna, waa xaaraan.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso