Masar .. Wuu Minyaraystay Waxaana Xafaladii ka Qaybgashay Minwaynadii! (Sawiro)

Haweeney lagu magacaabo Basma ayaa dhalisay muran ka dhex jira dhaqdhaqaaqayaasha xidhiidhka Baraha bulshada kadib markii ay go’aansatay in ay ka soo qayb gasho arooska lamaanaheeda markii uu minyaraystay Haweenay kale.

Sawirada iyo sheekada ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay qaar taageersan iyo qaar ka soo horjeedaba goobaha Baraha bulshada, Halka Qaar ka hadleen aragti diimeed (sababtoo ah diinta Islaamku waxay u oggolaatey ragga in ay guursadaan xaasas badan) iyo kuwa ka soo jeeda aragtida oo sheegaya kuna doodaya in la joogo wakhti casri ah.

Qaar waxay ku nuuxnuuxsadeen inuusan cidna ogayn waxa keena in ninku mar labaad u guursado, laakiin Basma ayaa jawaab ka bixisay “guurka waa Naf huris iyo in waxa ugu muhiimsan tahay Farxada ninkeeda xitaa haddii uu guursanayo mid kale.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso