Madaxwayne Axmadoow Kala Garo Siyaaso Dawlad Waa Ka Gaar U Garnaqida Cawlyahan Iyo Reer Cabdille

Mudane Ahmed Madoobe waa nin qiimo badan ahna dhab ahaan maamul goboleedyada raga ka arimiya ninka uugu macquulsan dhan walba.Maxaan sidaa u leeyahay koow cadaalada laga ma fogaado qofna xaqiisa iyo libintiisa lagama xaasido,sidaa daraadeed sida uu ka dhigay jubooyinkii iyo magaaladii kismaanyo ee aan wada ogeeyn amaan xumadeeda waad aragtaan heerka uu gaarsiiyay Mudane madaxwayne axmed. waa ku bogaadinaynaa kuna amaanaynaa noona joog ayaan leenahay.

Waxaan wada ogsoonahay in qalbi fiicnidiisa iyo hadal wanaagiisa dad isku keenka ah in uu shirkii london ka yiri waxan fadaraalka ah ee leh madax waynayaal is wada feer ordaya waxaan ka jeclahay soomaaliya oo yeelata kana danbaysa hal madaxwayne iyo dawlad dhexe oo xoog leh dalkana hogaamisa guud ahaan tiisba.

Madaxwayne waxaan kaa dhawrayaa in aan kugu xad gudbo sida wax magaratada qaarkeed balaayada buufisa iyo baaska ee dalku ka dagi la yahay,laakiin waxaan kugula talinayaa in aad xoogaaga isugu gayso in jubooyinka iyo magaalada kismaanyo iyo nawaa xigeeda dadka aad u abuurto mashaariic beeraha ah iyo kuwo bada ah iyo kuwo xoolaha ah sadexdaa xoog saar nabadii waad qabatay in badan illaahay mahadiis waana kugu amaanaynaa kuuna mahad celinaynaa.

Waxaan kugula talinayaa in arimaha Fadaraalka ee dawlada dhexe aadan inta jidbooto ku boodin oo ku milmin ilaa iyagu waa dawlada dhexe ee fadaraalka ahi ay arin kuula imanayaan mooyee.adiguna xaqbaad u leedahay in aad arimo jubaland markaa khuseeye aad iyaga kala hadasho markaa xiriirkiinu sidaa ahaado.Waxaan kugu canaana nayaa laba maamul goboleed iyo hal maamul goboleed ee dhexdiisa isku haya arimo siyaasadeed ama maamul goboleed iyo dawlada fadaraalka siyaaso u dhaxaysa inaad adoo wanaag doon ah dhex boodin ilaa baahidaasi kaaga timaado oo dawlada fadaraalka ahi kuu idanto waayo waa shaqo fadaraal.

Adigu matihid madaxwaynihii fadaraalka oo gogol siyaasadeed u dhigi lahaa dawlad goboleedyada.shaqadaadii maha ee waxaa ku qaaday wadaniyad iyo soomaali jacayl uun.niyadaas fiican baan kugu cafinaynaa laakiin sharcigu mayaqan ma ogeeyn iyo ma moodayn sharci waa sharci.waxaan aragnaa inaad jabisay sharcigii dalka u yiilay waloow aad khayr doonaysid. Mudane Ahmadoow soow maadan arag kuwo maamul goboleed ah oo luqun toodu dhaaf santahayba dawlada fadaraalka ah oo iyagii dawladaha caalamka raba inay heshiisyo lagalaan!! dhaqankaa adiga waligaa laguma arag mudane madax wayne.

Waxay iska indho tirayaan sharciga dalka u yaal indha hooduna ma arkaan dawlada dhexe ee fadaralka ah oo shaqadaas leh.Waliba qolyahani waaba xarko goosteen oo inta qooqii ka batay iyo ka faaiidaysiga dawlad dhexe oo awood leh oo dalkeena aan ka jirin darteed ayay hada marayaanba heer ayba siyaasadii dawlada soomaaliyeed iyo go aamadii dawliga ahaa ee ay soomaaliya ka qaadatay khilaafkii wadamada carbeed ee ahaa dhex dhexaadnimada inay uuga waramaan dawlado shisheeya ah oo arimaha qaranka fara galiyaan.bal danbigaas kawran?

Balka waran mudane axmadoow nin maamul goboleed ah oo siyaasadii dalka dawlado shisheeye uuga waramaya oo u sheegaya wax khilaafsan siyaasada iyo ga aanka dawladiisu gaartay? miyaanay sharcidaro iyo danbi ahayn laga galayo umada soomaaliyeed iyo hanaanka dawladnimo?

Mudane madax wayne axmadoow waa in aan garwaaqsanaa in dalkeenu lee yahay hal madax wayne oo adiga iyo inta kalaba iyo shacabka soomaaliyeed kuligeen inoo ah madaxwayne.Adiga iyo madaxda kale ee maamul goboleedyaduna waxaa tihiin masuuliyiin hawl qaran u haya dagaankooda iyo dalkooda oo ilaalinaya sharciga dalka.Ninkii aamin san soomaaliya madaxwayna yaal farabadan ayaa ka jira macnaheedu waxaa weeye ninkaasi waxa uu aamin san yahay waxaan uugu yeero YALAXOOW SYSTEM. oo aan uula jeedo waa waxaad aragto dhac,gabdhaha taat u bogtaba kufso,cidaadoonto dil,waxaa meesha ka maqan maxaa xalaal ah maxaa xaaran ah maxaa gar ah maxaa gardaro ah maxaa diin ah maxaa diin daro ah nidaamka noocaan ah ayaan u aqaan YALAXOOW SYSTEM laga soo bilaabo 1991-7.2.2017.

Uuma noqon karo yalaxoow systemkaa foosha xun.hogaamiye fiican baa tahay mudane cimrigaagana illaahay ha dheereeyo masuuliyadaadana ilaahay hakuu fududeeyo ceebtaadana illaahay ha asturo dagaalkayguna cinwaankaa korku xusan kabadin maayo.waxaanse ku leeyahay iska jir shaqo aadan lahayn galideed haday dhacdana idan iyo daliil u hayso.

Mudane madax wayne axmadoow hadii tusaale ahaan reer is qabto oo saygii iyo ooridiisii is qabtaan xaq waxaa ku ah qofkastoo islaama oo ka agdhawi in uu arinkooda galo oo maslaxo dhex dhigo oo reerkaa dib isugu cesho oo dhameeyo khilaafkooda.Laakiin sharcigu waa ka duwan yahay in arinkaa qof walbaa galo qofkastaana oo muslim ah xaq umalaha in uu arinkaa iska galo aayar dalaq isagoo wanaag uun doonaya.sharcigu waxa uu ina leeyahay labadii isqabata waxaa gali kara arinkooda ehlkooda oo ka kala socda dhanka marwada iyo dhanka sayga.

In alaale iyo inta ay joogaan dad kaa xiga oo ehl u ah labadii is qabay ee is qoon satay hee ma gali kartid arinkaa diinkasta oo aad leedahay iyo caalim kasta oo tahay waayo hawshaa waa lagaa xiga sug markay doorkaaga timaado oo kusoo gaarto.laba qof ayaa sidaa ah ama hal qoys maxaad u malayn arin dawlo? intaa wixii kasoo haray maamulkaaga jubooyinka ama dawlada jubaland sidaa u taban taabisay ee aad u taabo galisay adoo meel ober ah kasoo qaaday waa kugu tix galinaynaa kugu amaanaynaynaa kuuguna mahad celinaynaa si xoogleh ayaana kuu taageer sanahay  iska jir shaydaan kuu soo hulaabtay oo farmaajo dulaan ku ah wabilaahi toowfiiq.

Advertisement

Ku Xayeysiiso