MUQDISHO MAXAA IIGA BAXAY? “Cabdinaasir Axmed Abraham”

Anigoo guud ahaan dadkii wanaagsanaa ee magaalada Muqdisho igu soo dhoweeyay mahadinaya, abaal weynna ugu haya wanaaggii ay ii sameeyeen. Iyada oo indha-indhayntaydii iyo weydiimihii kala jaad-jaadka ahaa ee aan weydiiyay dadyowgii Muqdisho aan ku kulannay ee iskugu jiray da’aadda kala duwan aanan wakhti wanaagsan u helin inaan war-murtiyeed ka sameeyo. Halkan qodobbo kooban ayaan rabaa inaan idin kula wadaago. Kuwaas oo daaran wixii iiga baxay Muqdisho maalmihii koobnaa ee aan joogay.

1. Caasimaddu waxa ay ka soo kabanaysay dhaawacyadii isla dadkeedu u geysteen iyo kuwii ciidamada shisheeye u geysteen walina waxa gidaar kasta ka muuqday xagtimihii rasaasta, hoobiyihuna wali ma soo celin saqafyadii guryaha ee uu la tagay.
2. Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre gadh-wadeenka ka yihiin way ka dardar iyo shaqoba badan tahay kuwii hore wadar ahaantooda.
3. Xukuumaddu da’yarta fursado shaqo oo ay ku tababaran karaan ayay siisay, si luugu diyaariyo in mustaqbalka dhow ay iyagu hoggaanka u qabtaan.
4. Dadku aad bay ugu rajo-weynaayeen in ammaanku ka soo raynayo marka loo eego maalmihii tagay.
5. Muqdisho dhaqanku uu hurday.
6. Fankanku uu laangadhaynayay.
7. Ammaanku yagleel ayuu ahaa.
8. Siyaasadda aaran baa ku loolamayay.
9. Arrimaha bulshadu raad-barad bay ahaayeen.
10. Ciidanka Ajinabiga ah ee Muqdisho degganaa waxa ay burburinayeen akhlaaqda, dhaqanka wanaagsan iyo dadnimada ummadda. Waxa aanay faro-baas ku hayeen caarkeennii (hablihii) xilku innaga saarnaa. Dhaawaca halkaa ummada ka soo gaadhaana wuxuu noqon doonaa mid aan si sahlan looga soo kaban.
11. Ciidanka Qaranka hadda ayaa dhagax-dhiggii dhismihiisa gacanta lagu hayay.
12. Xashaashaqa suuqa aan ka maqlay waxa ka mid ahaa in dawladda FACEBOOK laga maamulo.
13. Shacabka Itoobiyaan nacayb ayaa ka muuqatay.
14. Guurku uu badnaa, furriinkuna uu badnaa, qudbe-sirina waa jiray.
15. Kirada guryuhu qaali ayay ahayd.
16. Khudaartu way badnayd waanay jabnayd.
17. Guurku shuruudo badan ma lahayn.
18. Dhallinyartu inta badan kubbadda lugta ayay hadal hayeen.
19. Wax akhrisku aad buu ugu yaraa.
20. Dhallinyar badan ayaa Jaamacadaha ku jirtay.
21. Muqdisho lakabyo dano ah oo dhaqaale ayaa is-dul saarsaarnaa, waxa maalmihii koobnaa ee aan joogay iiga baxay in kooxda Al-Shabaab inta badan lagu raad-gato, xikmadda ugu dhow ee aan Soomaali ahaan ku soo koobi karanaa waa; WIXII XUN BA XAAWAA LEH. Hasa yeeshee, kooxo kale oo dhaqaale iyo siyaasad la xidhiiidha ayaa wixii rabaan sameeya badhtamaha caasimadda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso