Gudaha Ka Eeg :Dhalinyarada Ka Soo Jeeda Beelaha Dega Koonfurta, Bariga Iyo Badhtamaha Hargaysa Oo Taageero Miisaan Leh U Muujiyay Xisbiga UCID .

Waxaa xalay Magaalada Hargaysa ka qabsoontay xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay taas oo ka dhacday Hotel Adams Inn Ee Hargaysa .

Ujeedada xafladda ayaa ahayd mid ay dhalinyarada ka soo jeeda Koonfurta, Bariga iyo Badhtamaha Hargaysa ay ku muujinayeen taageerada laxaad-ka leh ee ay u hayaan xisbiga UCID

Waxaana  ka soo qeyb galay Masuuliyiin uu hormuud u ahaa Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe  iyo masuuliyiin kale .

Xafladdan oo ahayd mid ay ilyartu is qabatay, oo ay soo buux-dhaafiyeen boqolaal ka mid taageeerayasha Xisbiga UCID .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Xubno ku hadlayay afka DHalinyaradii xalay xafladda qabstay, waxaanay iska daba mareen sida taageerada ay u hayaan Xisbiga UCID aanay isu baddali Karin, isla markaana ay uga  madax-banaan yihiin Madax-dhaqameedka Hungurigu hagayo ee xisbiyada ku biirayaa maalin walba waa sida ay hadalka u dhigeene .

Sidoo kale waxay sheegeen in ay dooranayaan halka danta dhalinyarada iyo danta umaddu ku jirto oo ah-bay yidhaahdeen Xisbiga UCID .

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay Masuuliyiin ka mid ah saraakiisha sare ee UCID, waxaanay si farxadi ka muuqato u soo dhaweeyeen taageerayaasha  muujiyay cududooda .

Ugu dambayn waxaa halkaasi khudbad qiimo-badan ka jeediyay Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu soo dhaweeyay cududa iyo taageerada ay muujiyeen dhalinyaradani .

Gudoomiyaha ayaa ku dheeraday barnaamijka siyaasiga ee xisbigu, iyo halka uu xisbigani ka taaganyahay horumarka dhalinyarada oo ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee xisbiga ka go’an.

Waxaanu gudoomiyuhu ku booriyay in ay doortaan mustaqbalkoodaa oo ay qarannimada ka door bidaan qabyaaladda .

Dhalinyarada ka soo jeeda Koonfurta, Bariga iyo badhtamaha Hargaysa ayaa muujiyay taageero miisan leh oo ay u hayaan Xisbiga UCID .

 

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Advertisement

Ku Xayeysiiso