Nin naftiisa u huray  si uu u badbaadiyo xaaskiisa weerarkii Las Vegas

 

 

 

 

Iyadoo adduunku weli  hadal hayo weerarka dhiigga badan ku daatay ee Las Vegas ayaa warbaahintu soo bandhigtay Ninkii ugu horeeyey dadkii ku dhintay Rasaasayntaas ee dhamaa 59 ruux.

Heather Golic ayaa shaaca ka qaaday in ninkeeda Sonny Melton oo ah 29-sano jir kalkaaliye ah uu naftiisa u huray nafteeda isaga oo jidhkiisa uga dhigay gaashaan si uu uga badbaadiyo xaaskiisa rasaasta soo dhacaysa.

Haweenaydu waxay sheegtey in ninkeeda isla markii uu maqlay dhawaaqa rasaasta uu qabsaday uuna bilaabay inuu isku dayo inuu ka baxsiiyo rasaasta dhacaysa laakiin  uu ka dhaawacmay dhabarka.

“Hadda waan  baqayaa ma garanayo waxa aan sheegayo  Sonny  waa ninka ugu naxariista badan ee aan la kulmay wuxuu badbaadiyey nolosheyda oo wuxuu lumiyay noloshiisii” ayay tidhi.

Warbaahinta ayaa soo warisay in Sonny  iyo Heather ay is guursadeen sannadkii 2016 waxayna ka wada shaqeynayeen xarunta caafimaadka ee Tennessee.

Weerarkan oo Galaaftay Nolosha  59 qof ayaa waxa fuliyey Khamaar wale iyo xisaabiye hawl gab ah oo ka shaqeeyn jiray  Nevada,Stephen Paddock oo 64 jir ah kaas oo Rasaasta uu dadka ku laayay ka soo ridayay qolkiisa dabaqa 32aad ee hoteelka “Mandalay Bay”  intii lagu jiray xaflad Muusig wadada ah kadibna is dilay kahor intii aysan booliisku iman qolkiisa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso