Sucuudiga  oo burburiyay  gantaal Lagu soo ganay Khamis Mushayt Lagana Soo Riday  Yemen

Waxa u Suurtagashay Ciidamada Difaaca Cirka ee Saudi-ga sabtdiii  inay  baabiiyaan gantaal Nooca ballistic ah oo lagu soo ganay magaalada Khamis Mushayt  gantaalkaas oo laga soo riday Dhulka Yemen sida Ay sheegeen Warbaahinta  Saudi Arabia.

Sida uu sheegay Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isbahaysiga Carabta oo ka hadlay Magaalada Riyadh, Colonel Turki al-Maliki in  Gelinkii Dambe ee  Sabtidii Difaaca  Ciidamada Sucuudiga ee Royal Air ayaa arkay  gantaalada ballistic oo laga soo riday gudaha Yemen loona soo riday dhinaca dhulka  Boqortooyada.

Colonel al-Maliki ayaa sheegay in gantaalku ku  sii jeeday Khamis Musheed lana burburiyey wax dhibaato iyo khasaare ahan geysan.

 

Maliki wuxuu intaa ku daray in  hubka ballistic ee ay haystaan ururada hubaysan oo ay ku jiraan Xuutigu wuxuu  khatar ku yahay amniga gobolka iyo ka caalamiga ah labadaba.

Sida ay sheegeen Xuutiyuuntu   ciidamadooda ayaa ku riday  Gantaal Noociisu yahay “Kaher Tm” Tiiradiisuna tahay dhexdhexaad isla markaana lagu farsameeyey Gudaha Yemen Saldhig Milatari ee king Khalid ee Magaalada Khamiis Musheyd.

Saraakiisha Xuutiyiinta ayaa Yidhi ” Gantaaladayadu  hadda si buuxda ayay u diyaar garaysan yihiin, waxayna diyaar u yihiin inay ka jawaabaan oo ay ka hortagaan gardarrada wakhti kasta iyo meel kasta,” waxayna intaa ku dareen  “maalmaha soo socda waxay arki doonaan wax la yaab leh  xoogagga gardarradu.”

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso