Gudaha ka Eeg: Haweenka Sucuudiga Waa in ay Noqdaan  Bilaa Niqaab  Marka ay Tagayaan Dalka Austria !

 

Safaarada Sacuudiga ee Austria ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Sucuudiga in ay ixtiraamaan sharciga mamnuucida xidhashada daboolka wajiga ama Niqaamka marka ay soo booqdaan wadanka laga bilaabo  horaanta Oktoober 2017, ka dib markii go’aan ay  soo saartay  Austria lagu mamnuucay Niqaamka Ama daboolka wajiga.

Aqalka Wakiilada ee Austria ayaa Salaasadii soo saaray Xeerkan  sida laga soo xigtay safaaradda, Xeerkan oo  mamnuucaya daboolka wejiga  qaraarkana waxa uu dhaqan galayaa  laga bilaabo bilowga bisha Oktoober Qof kasta oo qariya qaybo ka mid muuqaalka wajigiisa Goobaha dadweynaha waxa la saaraya ganaax lacageed.

 

Dumarka u hogaansami waaya Go`aankan ayaa waxa la ganaaxi doonaa lacag dhan ilaa 150 euros una dhiganta ($ 166).

Austria waxa ku nool ilaa  600,000 oo Muslimiin ah taas oo qiyaastii boqolkiiba 7% ka ah  dadweynaha dalka.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso