Trump: Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Waa Nin Waalan oo Meel Kasta u Ridaya Gantaalada!!!

Madaxweynaha Maraykan-ka Donald Trump ayaa mar kale weeraray hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, kuna tilmaamay “Nin waalan oo meel kasta u ridaya Sawaariikhda”.

Waxa uu ka sheegay  Trump hadalkiisan intii lagu guda jiray dibad-bax doorasho gobolka Maraykanka ee Alabama saaka waabarigii maanta oo  Sabti ah si ay u taageeraan musharaxa Jamhuuriga si aqalka Guurtida,”kama  aamusi karno Raga Waalan ee Dibada Jooga, gantaalo  ayay ku ridayaan meel kasta oo inagu wareegsan,” isaga oo tilmaamay Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya sida uu sheegay “CBS” News US.

“Waxaa laga yaabaa in ay jiraan waxyaabo la gaadhay laga yaabee maya laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa hal shay oo ah in aad amaan tihiin.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegay markii uu yimid  Shirka  Golaha Guud ee Qaramada Midoobay isaga oo uu ku sii jeeday New York, Hadalkii Trupm iyo Hanjabaadiisii Cida Ey Gaboobay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso