Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya: Trump Maskixiyan ayuu u xanuunsanyaa waxaanay Ugu kici Doontaa Qiimo Ka Culus!!!!

 

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa Wacad ugu maray  Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inay ugu kici doonto qiimo sare hadaladii uu dhawaan yidhi ee ku sabsanaa Pyongyang, waxaanu ku timaamay inuu Maskax ahaan Dhiman yahay.

Kim ayaa sheegay  war qoraal ah oo lagu daabacay wakaalada wararka ee Kuuriyada Waqooyi : “Ilaa iyo inta Trump beeninaayo jiritaankayga iyo jiritaanka Dawladayda ee Khariidada Caalamka kuna dhawaaqay bilowgii dagaal fool xun isagoo doonayay inuu na baabiiyo  Jamhuuriyadayada, waxaan eegi doonaa si ka qoto dheer oo ku beegnaa tallaabooyin degdeg ah oo ku munaasibka ah isaga.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “asalnimada  naftayda aniga oo ka wakiil ah  Jamhuuriyadda Dumiqraadiga ee Korea, magaca  ummaddayda  sharafta iyo karamada shacabkayga, waxaan ka dhigi doonaa madaxweynaha Maraykanka inuu ku bixiyo qiimaha ka badan kana culus hadalkiisa uu isaga yidhi taxadir la’aanta, taas oo ku sheegay burburinta  Jamhuuriyadda oo dhan.”

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya ayaa is weydiiyay haddii Trump saadaaliyey sidaa, Jawaabta  Pyongyang Maxay noqon doontaa waxaanu ku sheegay in uu la kulmi doono Natiijo ka weyn tii uu saadaalinayay.

“Trump markii uu Kursiga  ku fadhiistay wuxuu u hanjabay dhammaan quruumaha aduunka, wuxuuna dunida u horseedi doonaa rabshado aan horay loo arag, uma suurtoobayo inuu noqdo taliyaha millatariga ee ugu sarreeya adduunka, ma aha siyaasi laakiin waa mid dabacsan oo dab ku ciyaaraya  hubaal waa  Raga Kooxaha Gaangister .”

Waxa uu sheegay in hadalkii uu soo saaray Maamulaha Mareykan isaga oo sharaxay fikraddiisa aan la garanayn lamaan  yaabin imana joojinayso, laakiin waxaan carabka ku adkeynayaa in doorashadaydu sax tahay, waa in la sii wado ilaa dhamaadka waxaan ku adkaysanayaa go’aankayga ah inaan la tacaalo  Maraykanka Cajuuska ah ee waalan Waana lama huraan ilaa Xitaa Dab .

 

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso