Gudaha Ka Eeg :Xisbiga UCID Oo Iclaamiyay Shirkii Golaha Dhexe Ee Lagu Dooranayay Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee UCID + Sawiro

Waxaa Maanta magaalada Hargaysa Shir Jaraa’id ku qabtay Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UCID, kuwaas oo si rasmi ah u iclaamiyay Shirka Golaha Dhexe ee Lagu Dooranayo Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen Ee UCID .

Xog-hayaha Golaha Dhexe Mudane Maxamuud Cali Muuse (Jiir) oo ka mid ah Masuuliyiintii Maanta shir jaraa’id qabatay ayaa sheegay in bishu markay tahay, 23/9/2017, oo ku began Maalin sabti ah la qaban-doono shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCID, kaas oo lagu dooran doono Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen Ee UCID .

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ololaha Ee Xisbiga UCID Mudane Axmed Xirsi Ducaale iyo Xog-hayaha Guud ee UCID Ismaaciil Cabdi Daahir, Waxaanay sheegeen in Xisbigu ku mashquulsanaa danaha qaranka iyo midnimada Dalka, immikana la soo gaadhay wakhtigii munaasibka ahaa ee la qaban shir-ka golaha dhexe ee lagu dooranayo Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen Ee UCID .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso