Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Caawa Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Gar-Adag Ee Gobolka Sanaag .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne ee UCID eng faysal cali waraabe ayaa caawa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Gar-Adag Ee Gobolka Sanaag .

Murashaxa iyo waftiga uu hogaaminayay ayaa Taageerayaal laxaad leh kaga ho tageen meel ka baxsan magaalada, iyagoo markii dambena u soo galbiyay Gudaha Magaalada Gar adag .

Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waaabe Oo Meel Fagaar ah kala hadlay shacbiga Soo dhaweeyay ayaa ku nuux-nuuxsaday barnaamijka siyaasiga ah ee xisbiga, Waxaanu ugu baaqay in ay midnimadooda ilaashadaan .

Sidoo kale Murashaxa ayaa waxaa uu ku booriyay Bulshada in ay qaataan kaadhka codaynta, si ay masiirka nolooshooda go’aan ugu yeeshaan .

Murashaxa ayaa deegaannada hoos taga Gobolka Sanaag ku mari doonaa socaallo kala duwan oo uu bulshada deegaanadaasi uu ku baraarujinayo qaadashada kaadhka codaynta .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso