Gudaha Ka Eeg :Lacagtii Ugu Tirada Badnayd Oo Lagu Kala Qaatay Beeninta Go’aankii Lagu Doortay Gudoomiye Baashe, Daldaloolo Ka Soo Baxay Dooddi Mucaaradka

 

Su’aalaha dadweynuhu sida weyn isu weydiinayey ee walaaca badan abuurtay ayaa toddobaadkan ahayd: sidee loo maaraynayaa xildhibaan codeeyey xilligii doorashadu taagnayd marka goobtii laga soo dareero ee codkii lagu kala calaf qaado haddii si uun wax ka noqdaan, ama dano kale la tuso haddii uu la soo guryo noqdo war ka duwan kii hore? Haddii uu meel iska dhigo xurmo kale oo dhan oo uu ku adkaysto inuu dafiro wixii uu falay markii la codeynayey? Maxaa inooga talo ah haddii ay dhaqan noqoto doorasho dhammaatay oo la isu jambalyeeyey haddii si indhasarcaadin ku jirto mar dambe muran looga soo celiyo? Kaba sii darane, sidee xaalkeenu noqonayaa haddii dhaqanka ah ku qabso ku qadi mayside sii socdo oo inaga galo Doorashada Madaxtooyada?  Haddii mid ka mid ah Murashixiinta Madaxtooyadu marka lagu dhawaaqo doorashada intuu gurigiisa fadhiisto haddii uu af labadii ku yeedho “Maanta laga bilaabo Anigaa Madaxweyne ah”?

Xildhibaan Cabdi Jacaf, wuxuu ka mid yahay xildhibaanadii mudadii ugu dambeysey ku soo galay qaabka ah dhaxalka [jagada ku banaanaata geerida xildhibaan golaha fadhiyey].  Wuxuu u xisaabsanyahay Gobolka Sool, wuxuuna hadda magac ahaan ka tirsanyahay Xisbiga Kulmiye.  Ma aha nin dadweynaha xiiseeya siyaasadda ama la socda hawlaha Baarlamaanka Somaliland ay aqoon hore ugu lahaayeen, balse hadda wuxuu noqday qof ay dad badani su’aalo ka keeneen kaddib markii uu xuddun u noqday murankii Xisbiga WADDANI ku dhex tuuray doorashadii maalintii Axaddii la soo dhaafay ka qabsoontay Golaha Wakiilada ee Gudoomiyaha loogu doortay Mudane Baashe Maxamed Faarax.

Sida ka muuqata sawirka Koowaad, wuxuu Xildhibaanku si toos ah oo aan qarsoodi lahayn ula codeeyey xildhibaanadii doortay Gudoomiye Baashe [Eeg fallaadha casaanka ah] iyadoo ay isku xayndaab ahaayeen [sida sawirka ka muuqata] xildhibaanada ay ka mid yihiin Xaaji Cabdi Gaagaale, Warfaa, Kijaandhe iyo Cabdi Casiis Dhulcun oo dhammaantood u codeeyey Gudoomiye Baashe.

Sawirkan dhawr qof oo aanu tusnay si aanu u eegno aragtida dadka sawirada aqoonta u leh u saxaafadda waxay isku raaceen inuu si toos ah u muujinayo wax ka duwan doodda kooxda Talyanle iyo hadaladii uu sheegay Xildhibaankani markii sida weyn loogu faaqiday baraha bulshada qaabka uu u codeeyey iyo sida uu markii dambe ugu galay kooxdii Talyanle.

Kooxda u ololeyneysa Xildhibaan Talyanle waxa soo bandhigeen sawir ay dusha kaga dhigeen calaamado iyo tirooyin far casaan ah ku qoran iyagoo isla xildhabaankan ku darsaday tirada ay ku doodayaan [Eeg Sawirka Hoose].  Waxaase ka muuqata sawirka dhawr ciladood oo dadka aqoonta u leh sawiradu ay shaki geliyeen.  Waxayna isku wada raacsanyihiin:

  1. Gacantu si waadax ah uma taagna umana muuqato
  2. Gacantu waxay u janjeedhaa dhanka Xildhibaan Faarax Dheere oo ay sheekaysanayaa waxayna aad ugu dhowdahay inay tahay farotaagtaagga dadka qaarkii sameeyaan markay sheekaynayaan.

ARRINTA MADAX WAREERKA KU AH SOMALILAND:

Bal  dhacdadii maalintii codaynta dib ugu noqo.  Sidii sharafta, maamuuska iyo waayeelnimada lahayd ee ay u dhacday doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanku.  Waxay ahayd arrin ay qireen cid walba.  Waxay ahayd dhacdo ka farxisay dhammaan dadweynaha Somaliland.

  1. Waxaa la qaaday codkii, waxaa goobta ku sugnaa “Guddigii Doorashada Gudoomiyaha”oo ahaa Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad iyo Xoghaynta.
  2. Waxaa si toos ah loogu dhawaaqay, iyadoo aanay jirin wax iskhilaaf ah, natiijadii doorashada.  Waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyihii Fadhiga maalintaasi.
  3. Sacab iyo is hambayayn ayaa lagu soo dhoweeyey. Waxaa si rayrayn leh isugu dhegey oo isu gacan qaaday Gudoomiyaha la doortay iyo murashaxa laga guuleystey.
  4. Waxaa Golihii si rasmi ah loogu wareejiyey Gudoomiyihii la doortay Baashe oo la wareegey gudoominta fadhiga iyo golaha.  Daqiiqadaasi wuxuu si rasmi ah u noqday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.
  5. Markiiba waxaa la guda galay hawlihii golaha u hadhsanaa ee ay ugu horeyso Doorashada ciddi buuxin lahayd kaalinta Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Gudoomiye Baashe  iska casiley.
  6. Wuxuu Gudoomiye Baashe ku dhawaaqay, sida uu dhigayo Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladu, in muddo toddobaad ah gudohood lagu buuxin doono jagada banaanaatay.
  7. Wuxuu Gudoomiye Baashe si rasmi ah u soo xidhay fadhigii Golaha ee maalintaasi.
  8. Waxaa xafiiskii Guddomiyaha si wada jir ah ugu kulmay Guddoomihii Hore, Cirro,  iyo Gudoomiyaha la doortay iyadoo halkaasi ay ka jeediyeen hadalo kooban oo xafiiska lagu soo dhoweynayo Gudoomiye Baashe.

Dhaqdhaqaaqan aynu soo sheegnay ee maalintaasi ku suntanayd maxaa inoo xigey?  Ceeb iyo hadalo fawdo hurinaya.  Waxaa Xarunta WADDANI loogu yeedhay oo war ka soo saaray xildhibaanka doorashada lagaga guuleystey ee maalinimadii oo dhan sheegayey inay “si xor ah oo xalaal ah u dhacday”.  Wuxuu afka ku ballaadhiyey “laga bilaabo manta anigaa ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada”.  Fajac, yaxyax iyo amakaag ayay ku noqotay dhammaan bulshada Somaliland waxayna kaga yaabisay dhammaan dadkii dalalka iyo degaanada kala duwan ku daawaday sidii quruxda badnayd ee doorashadii loogu kala baxay.

Haddaba, waxaan shaki ku jirin in godka lagu ridey maamuuskii Golaha Wakiilada ayna raad xun oo taban ku yeelan doonto sida loo aamini karayo hadalada iyo balamaha siyaasiyiinta.  Dhanka kale waxay

MAXAA XAL AH?

Ma waxaynu aaminaa oo ku adkaysanaa go’aanka Golaha ka soo baxay, mise waxaynu isku xukunaa sawiradan marba qaab loo dhigayo ee inta kombiyuutarka lagu soo habeeyo marba wiil yari ku xariiftamayo.

Talada ay Somaliland maanta qaadataa waxay ibo-fur u noqonaysaa waxa laga yeeli doono muranada kale ee ka iman kara codaynta ka dhacda dalka, ha ahaato mid madaxtooyo, baarlamaan, deegaan ama ururo.  Maalin walba meel bay doorasho ka dhici doontaa.  Bal ka warran haddii mid walba marka lagu kala dareero ee la is hambalyeey ee kuraastii la isku wareejiyo, maalin ama saacado kadib la diido.  Kaba sii darane, ka warran haddii jagadii la doortay ee la isu haneeyey lagu dhawaaqo in nin kale loo caleemo saaray.  Haddii qof is boqro “laga bilaabo maanta anigaa Madaxweyne ah!”.  Haddii uu helo koox ama shakhsiyaad aan muranka ka gabban, danna ka lahayn waxa ka dhalan kara.

Dadka maamulka iyo shuruucda aqoonta u leh waxaanay ku kala baydhsanayn in tan maanta dhacday  ay tijaabo u tahay in muran la gelin doono doorashooyinka soo socda marka lagu kala calaf qaado ee la is hambalyeeyo.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso