Gudaha Ka Eeg :Guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee KULMIYE ee dalka Holland oo qabsaday shirar dardargelin ah

– Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta ee laanta xisbiga KULMYE ee dalka Holland, ayaa lagaga arrinsaday qorshayaasha dhaw ee ay lagama maarmaanka tahay la dardargeliyo, kuwaas oo ku qotoma diyaargarowga ololaha doorashada iyo wacyigelinta bahweynta KULMIYE ee ku nool waddankaasi.
Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Amersfoort waxa ay goob-joogayaashu isla gorfeeyeen sida ugu habboon ee laanta Holland iyo guud ahaan taageerayaasha KULMYE ee dalkaasi uga qaybqaadan karaan ololaha xisbiga ee doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan 13-ka November 2017.
Xubnaha ka qaybgalay shirku waxay goobtaasi kaga dhawaaqeen taageero hiil iyo hooba leh oo ay la garab-taagan yihiin murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso