Gudaha Ka Eeg :Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo u Gurmaday Dab Noociisu ahaa Shoodh Laydh oo ka kacay Sultan Restaurant Galabnimadii Maanta, Huteelkaas oo ku yaala Xaafada Jigjiga Yar Yar Gaar ahaan Agagaarka Hotel Maansoor + Sawiro

Ciidanka Dabdemiska Caasimada ayaa Ku Guuleystay Daminta Dab ka kacay Huteelka Sultan Restuarant Ee Magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafada Jigjiga Yar Yar agagaarka Hotel Maansoor, waxaana dab ka kacay qolka Cunto karinta ee Kijinka waxaana dabkaa sababay Shoodh Laydh ka kacay .
Ciidanka dabdemiska ayaa si deg dega u gaadhay dabkaas waxaana ay guteen waajibaadkoodi shaqo, waxana ciidanku ku guuleystay daminta dabkaas iyadoo ciidanka ilaahay ku guuleeyay daminta dabkaa isla markaana xakameeyyeen.
Dhanka kale waxaa iyaguna halkaa qayb ka ahaa hawlgalkaa Ciidamada Amaanka Caasimada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso