Xad- Gudub : Falal Danbiyeedyo Aan Hore U Soo Marin Adduun Ee laga Galay Bulshada Somaliland

XAD-GUDUB: FALAL DANBIYEEDYO AAN HORE USO MARIN ADUUN EE LAGA GALAY BULSHADA SOMALILAND:
Waxaa DHacay Falal Danbiyeed oo aan Aduunka Hore Uso Marin Marka la damco in laga hadlo Xad gudubka xaquuqda adaamaha ee laga gallay dad reer Somaliland way kala wayn yihiin waana wax Mudo soo socday. Marka laga so bilaabo Dowladahii Rayid ka ahaa ee kaso taliyay wixi laysku odhanjiray Somalia , iyo dowladii Militariga ahayd ee Maxamed Siyad Barre hogaminjiray,
Sida la tilmamo dadkii gobolada woqooyiga kaso jeeday waxay kala kulmeen Quudhsi, Eex .inkasto wax laysku raacsanyay aanay jirin. hadana waxa abuurmay jabhado kuwas laga so abaabulay lagana hubaynaayay wadamo shisheeye,
Aug 7, 1990 Jabhadihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre .
Inkasto doodi ka taagantay saamaynta iyo burburka bulshadii soomaliyeed ku dhacay inta uu leeg yahay walina aan lays kaga iman lagana wada hadlin meelna aan laysla dhigin, waxa la sheegaa in dagaaladas udhaxeeyay dowladii Siyaad barre iyo Jabhadihii lagu gumaaday dad gaadhaya 13,000 oo ruux, 2.5 million ilaa 3 million dalka dibadii uga qaxeen 1.5 million kalana gudaha dalka ku bara kaceen, halka in ku dhow 300, 000 oo arday Dugsiayda sare dalka ku jirtay iyo 50,000 oo arday jamacadii umada dhiganayay mustaqbalkoodu ku lumay, badalkood ay noqdeen dayday, mooryan, dhuljiif, tuug, iyo in kalo su’ashan jawaab u wayday oo miyirkoodii ku wayay, inkalo badan oo nolasha ididiilo wacan ka lahayd ayaa mar qudha so wajahay nolal rajo beela.
Waxa burburay magaaloyinkii waawaynaa, ganacsigii iyo dhaqaalihii, iyo diintii oo intii lahayay faraha ka baxday, Bulshada somaliyeed badalkeedii waxay dhaxashay inay xerooyin qaxanti ah galan, wax udhaxeeyana jirin iyaga iyo dhaxan, kulka iyo roobkaba, nolol teeda ugu qalafsan dunida horteed uga dhicin.
Jan 27, 1991 – Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, jabhaduna ay halkaas qabsatay.halka goboladii waqooyi SNM ay gacanta ku dhigtay,
18 May1991 Burco aya lagaga dhawaaqay maamulka Somaliland, mudo yar dabadeed waxa jabhadii SNM so dhex galay khilaaf waxayna ukala jabeen garabyo beelaysan, Bililiqada, dhaca, boobka iyo kufsigu agtooda ka tahay wax caadi ah. mudo yar dabadeed waxa beelaha ISAQ dhexdooda ka bilaabmay dagaalo keenay dhimasho, burbur qax cusub,
Sababta arinta dhalisayna waxay ahayd ujeedo la’aanta lagu wada socday ee dagaalka dadka lagu gashay Siyaad Bare xilka aan ka tuurno mooye ujeedo kale meesha taalay aaney jirin,
Waxa so shaacbaxay xanuuno aan hore loo arag oo halakeeyay bulshadii ku dhex noolayd colaada, iyo mashaqooyinka, taasi sabab unoqotay natiijadeedii ka dhalatay sunta dalka lagu aasayo, sido kalana waxa dalka laga dhoofiyay ugaadhii intii baaqiga ku ahayd.
Intaa kadib waxa kacay odayaal dhaqmeed beelaha kala dhex dhigay iyado nidaamkiina laysla qaatay in dhiso beel ka mid noqoto nabadna lagu wada noolaado, balse su’aashu waxay tahay Nabadi ha timaadee Xisaabtan ma imid ? dadkii dhibtan gaystay, dulmigan abuuray kuna xadgudbay xaquuqdoodii, ujeedo la’aana dad qaxiyay qoxoontina ka dhigay,
Inkasto nabada dadaal badan la gashay hadana umaduna kuwada nooshay nabad dib loo abqaalay geedkii , Umada reer Somaliland maaha dad udhashay cunfi, xiqdi iyo xasdi,
Waa bulsho xariira balse waa bulsho sugaysa in maalin ay iman doonto ragii masuulka ka ahaa maxkamad loo so saari doono.lana waydiin doono ujeedo la’aanta ay dhibtan u abuureen.
Lix iyo labaatan sano kadib Nidaam maamul ee Somaliland ka taliyaa hada waxa kasii muuqda raadad kaas, umadii budhcad qalin iyo garabaati wata oo hanta dadka wada lahaayeen ku takri fallaya, Qaraabo Kiilnimo, Eex Musuqmaasuq u eeg nidaamka ka south Africa maanta ka taagan, Xaaraan Quutenimadu waxay noqotay amaan, jaahil an xishoon aya adeegii bulshada haya, Hadii shalay dhiiga dadka la xalaashaday maantana dhiigoodii la miiraanayo, dushoodana lagu noolaado, dadka abaaruhu iyo daacuunku laayay
waa in ay dadka reer Somaliland ogaadan in maalin iman doonto lala xisaabtamo kuwii gabood falada sababta u haa, kuwii hantidooda dhacay, kuwii qoqobka qaybinta idin kala dhex dhigay, Utaagnaada waaga cusub ee beryi doona,

Nasir Ali Kabadhe
HYPERLINK “mailto:nasirkabadhe@gmail.com” nasirkabadhe@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso