Yaan eersadaa anaa raadkaygii dib u qaadee

Yaan eersadaa anaa raadkaygii dib u qaadee.

Caalamku wuxuu ku kala tagay nolosha, cimilada, dhaqanka, diinta , iyo horumarkaba waxaa si wayn maanta caalamka kulmiyaa ee horumarka laga sameeyay waa cilmiga guunka ah ee qornaa lana soo kala dhaxlayay sida taariikhda, sayniska, Juquraafiga, dhaqaalaha oo muslim iyo gaalba qayb ka noqdeen inay isticmaalaan,cilmigaasi qarnigan aan joogno wuxuu isu badalay (information age ) qarniga cilmiga casriga ah iyo cilmiga hab wadaaga warbixin iyo wacaal waxaa maalinba maalinta ka danbaysa soo koroyay isdhexgalka habka casriga ah oo dunida maanta ka dhigay tuulo iska wada war haysaa dhinackastaba ha ahaatee .

Barahan lagu kulmo facebook twiter,instigram,snap chat bulshadeenu qaabka u isticmaasho bal dib u eeg 2 sanno ee u danbeeyay waa war la aan macnaha iyo mawjadda meeshaas ka daaraan iimaba bilawna wali sawir iyo dacaayad ayaa waqtigu igaga lumaa waa sawir soo dhig, soomal haad, habeen iyo maalinba kor ilaa hoos ugu kala soco hebelbaan arkaa, heeso,majaajilo waa qabb tii u danbayse ileen waqti iima hadhine hadaba yaan eersadaa anaa raadkaygii dib u qaadee .

Waa garba duub, galgalimaysi, dabayshaa isidata kolba dabinbaa la I hordhigayaa ana sidii aan dardaranahay baan kolba dhinac u raacaa dabayshaa isidata waxaan doonayaan jirin sida software ayaa kolba meel la igu rakibaa.

Maansadani aan jihada ku saxdo waxaa iska leh hadraawi waa daalacan oo deelaydii bay ka mid ahayd

Deegaanta noloshiyo

Darantiyo samaantana

Ninkii doonayoow taas

Daw loo maraa jira

Dhirta waxaa loo beeraa in la manfaceedsado geedka tufaaxa hadii aad beerto wuxuu u baahan yahay carro wanaagsan biyo iyo cimilo ku haboon oo cadceedu ku filan tahay si aad u hesho tufaax wanaagsan waxaad la daba joogtaa biyaha ilaa intuu ka gaadhayo in la gurto dabadeedna lama naafacaadsado .

Sidaa si la mid ah ayay nolosheenu u jirtaa caradu waa maskaxdaada siidhkuna waa fikirkaaga biyuhuna waa ficilka cadceeduna waa dareenkaaga hadii aad ku beerta mid ka mid ah fikirada wanaagsan waxay bari keeni kartaa in la manaafacaadsado haba noqoto mid yare .

Hadaba hadii maskaxdeena aynu ku beerno waxa aynu rabno oo korino hab fikirkeena siidhkaasi aynu beernay khasaari maayo laakiin dadka intooda badan waxaa ku waynaada oo ay xooga saaraan waxa aanay rabin ama waxay ku baahaan oo maskaxda ogolaysiiyaan inay ku raaxaystaan daawashada dhir qurxoon oo carro kale ka baxday waxaan ula jeedaa fikiro horumar leh oo cidkale gaadhay daawashadood.

Sultan Mehmet al fatih wuxuu ka mid ahaa hogaamiyayaashi Osmaniyiinta soo maray 1444 ilaa 1446 wuxuu ahaa wiil yar oo 20 jir kiisii gaadhay hogaanka ugu sareeya ee Osmaniyiinta mucjisooyin muu lahayn bini aadanka uu dheeraa laakiin caqligiisa ayuu uga faaidaystay inuu si wanaagsan ugu fikiro waqtigiisiina wuu ilaashaday wuxuu xanbaaray inuu qaado masuuliyada ugu sareeya osminiyinta wuxuu ahaa hogaamiyihii isagoo da,yar jabiyay awoodii roman empire xoogna kaga saaray Istanbul wuxuu maamulka soo galay isagoo 11 sano jir ah waxaanu noqday hogaanka magaalada amasya ee imika ka mid dalka turkiga oo ka tirsan aaga badda madaw (the black sea ), maaha mucjiso ninkan da’da yare ee wadankiisa isagoo yar maamulkeedii gacanta ku dhigay wuxuu muujiyay kartidiisii waqtigiisiina wuu ka faaideeyay inaguna wali 40 jir ayaa guryaha dhexdiisa sidii ilmaha lagu sasabaa .

Hadaba ma waxaad rabtaa adigoon maskaxdaada tiin ku beeray inaad tufaax ka hesho mise adigoo tamartaadii dhaqaajin inaad gaadho meel sarre

Waxaynu aad uga warwarnaa in aynu nolol helno dhaqaale iyo caafimaadba fiican balse kuma fikirno ma haynaa wado lagu gaadhi karo noloshaas kaliya waxaa ina haysa cabsideeda in aynu wayno dhaqaale iyo caafimaadkaba inaguma jirto dhaqdhaqaaq samee si aad u maarayso dhaqaalahaaga .

Kulanadan joogtada ah ee ay ugu wayntahay baraha facebookgu wuxuu si xoog uxiiso galiyay bulshadeena qaybaheeda ugu muhiimsan oo dhalinyartu ugu horayso waxaad arkaysaa asxaab badan oo xaadir ah xili kasta oo ku kala baahsan wadamo aad u kala fog sida Australia America England ethopia south Africa Somalia Somaliland asxaabtani waxay wadaagi karaan fikiro horumarineed oo xadaaradeedu sarayso ha noqdo mid siyaasadeed mid ganacsi iyo mid aqooneedba waxay horseedi karaan dadaalo lagu abuuro dalado macno ku fadhiya oo leh mabaadiid wax dhisi kara, balse xamaasad iyo odhaahyo ma dhalays ah ayaad mooda in aynu madadaalo ka dhiganay iyadoo xili la is maaweeliyo aan la joogin.

Hadii aynu rabitaankeena u qeexno si waaqica waafaqsan waxaynu waqti gaaban ku gaadhi karnaa wax inbadan qaadan lahaa ama qayrkeen ku qaatay inay gaadhaan

Aragtiyahan gaaban ee inagga mashquuliyay ujeedada kulankeena waxaa horseed u ah cidlada aynu is dhignay ee weelka madhan meelkasta la joogno cidladaasi waxay kuu gaynaysaa inaad baahdo oo maskaxda kolba cidi yeelato mawducyo kala duwan oo dhacdooyinka maalinlaha ahina waqti badan inagga qaato.

Ilama aha inaynu ku jirno maararowga iyo malaynta mustaqbalkeena ilama aha inaynu cabashada caqligeena ku raqiisino ilamaha inay inoo muuqato dhaliisha cidkale iyadoo teenii ina hortaala, ma guulbaa in aynu wadadan sii haynaa bal shakhsi waliba waa is ogyahaye adaan ku dhaaafay go,aankaa

Ma sawiri karnaa Rajada riyooyinkeena iyo halganka lagu gaadhi karo ma dabri karnaa cilmi nafsiga meeshaa ina dhigay ee inoo qariyay in aynu dunay,

Bal aynu u fikirno qaab ka duwan sidan aan si dhaantaana aynu nafaheena ula xisaabtano yaabkan aynu ku jirno ee marna naftaada la yaaban mar cidkale la yaaban tahay marna waqtiga la yaabantahay sidoo kale bar kulanadan muranka iyo is ku fiirsiga kusoo koobnay aynu isla jaanqaadno waxbadana aynu ku dhisno .

W/qoray Ahmedyasin Sh Cumar Ahmed Furre

Advertisement

Ku Xayeysiiso